Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Suldaanka Gobolka Sokoto Ee Nijeriya Al-Xaaj Muxamad Sa'ad Oo Ganafka Ku Dhuftay Xeer Ragga Iyo Dumarka Dhaxalka U Simaaya

Friday - December 30, 2016


Najeriya-Sheekha ugu sarreeya culimada Muslimiinta Nigeria ayaa ganafka ku dhuftay xeer cusub oo dhigaya sinaanta ragga iyo dumarka, kaas oo la doonayo in lagu simo saamiga dhaxalka ee ragga iyo haweenka.
Suldaanka Sokoto, Maxamed Sacad Abuubakar, ayaa sheegay in aanay muslimiintu yeeli-doonin ku xad gudubka sharciga Islaamka ee dhaxalka ragga u badiyey.
Ururka ugu wayn ee Masiixiyiinta Nigeria ayaa isagu soo dhaweeyey xeerkan waxa aanu sheegay in diintoodu ogoshahay in ragga iyo dumarku dhaxalka u sinaadaan.

Nigeria waa dal bulshadiisu diinta ku dhegantahay oo qiyaastiina ay Musliimta iyo Masiixiyiintu laba qaybood oo isleeg yihiin.
Isagoo ka hadlaya xaflad loo qabtay Quraan akhris oo ka dhacday woqooyiga gobolka Zamfara, ayaa suldaanku wuxu yiri “diintayadu waa hab-nololeedkayaga oo dhan, sidaa awgeed yeeli-mayno talaabo kasta oo la doonayo in lagu bedelo wax Alle noo banneeyey”.
Waxa aanu intaa ku daray: Islaamku waa diin nabadeed, nabad baanu kula noolayn Masiixiyiinta iyo dadka diimaha kale haysta ee dalkan ku dhaqan. Sida awgeed waxa muhiim ah in la noo ogolaado in aan diintayada si buuxda ugu dhaqanno.