Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Ila Qosol .. Juxa iyo Xaaskiisa

Sunday - January 1, 2017



Juxa dhaqanka carbeed waxaa uu ugu jira kaalinta Cigaal Shidaad kaga jiro taariikhda Somalida. aad ayaanay taariikhda sheeko- baraley carabtu isugu khilaafaan nooca shaksiyadiisa, sida in u ahaa fulay iyo inu ahaa geesi, iyo in uu ahaa nin maskaxbadan iyo in doqonmadu hoy u ahayd, inu fiiro dheera iyo inu mangaab ahaa

Juxa iyo Xaskiisa Maxaa kala qabsaday:

Juxaa ayaa loo doonay gabar ay meel wada daganaayeen si loogu guuriyo , Inkastoo uusan isagu gabadha horay u arag hadana waxaa loo sheegay inay qurux badan-tahay oo ay qancin-doonto ayna noqon doonto midii uu muddoba raadinayay.
Habeenkii markii loo soo galbiyay oo loo keenay gurigii ayaa juxa wuxuu arkay in gabadhu ay fool-xumo ku goobatay. Subaxii markuu waagii baryay ayaa gabadhii waxay juxa ku tiri " juxoow, nimanka qaraabadaada ah ii kala sheeg , kuwa aan iska asturayo iyo kuwa kale” Juxa oo qoslaya ayaa ugu jawaabay "Dadka oo dhan u muuqo , laakin aniga iska kay astur".