Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Jawaarri Oo Raba Inu Markale U Cararo Raiisal Baarlamaan Iyo Sharif Xasan Oo Yiri: Salaama-Saatirow Kan Jawaari Horay Bu Naf Daahira U Legday Ee Markoole Na Dhaafi

Tuesday - January 3, 2017



Mogdisho- waxaa lagu soo waramaya in Gudoomiyihii hor ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh Cismaan Jawaari oo muddo xilkeedii Guddoonka baarlamaanka Faderaalku ka dhamaaday ayaa hadda lahadal haya inu jaggadaas marka raadinaayo raadinaya oo noqdo Afhayeenka baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Jawaari ayaa isku dayaya in uu la kulmo xildhibaano ka kala soo jeedda beelaha Somaliyeed oo ujeedadiisu tahay in ka dhaadhiciyo tartankiisa, waxaase carabka lagu sii dhuftay inu maalmahaanba balansanaayey xildhibaanada Daarood, waxaa kalo xusid mudan in uu maalmahaan ugu dambeeyey waday galaangal Siyaasadeed oo cusub.

Sida warku sheegaayo Is afgaran-waa Siyaasaded ayaa haatan ka dhex jira Jawaari iyo Madaxweynaha Koonfur Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isagu rabo inu u cararo xilka Villa Somaliya ee ah Madaxweyne-nimada Soomaaliya. laakiin ujeedada Shariif Xasan ayaa loo badinayaa in wixiisaba u ula dan leeyahay gorgortan siyaasadeed

 
Damaca Jawaari ayaa ah in beeshiisu ay markale xagsato jagada Guddoominta baarlamaanka Soomaaliya, halka ay jiraan ciyaaro siyaasadeed oo damaciisaas ka soo horjeeda, ayna garwadeen ka yihiin xubno door ah oo kamid ah kooxda DAMU JADIID.

Xogtu waxay sheegaysaa in Xildhibaanada beesha Daaroodka laga yaabo in ay codkooda siiyaan Cabdifitaax Geeseey oo wasiir ka ah Xukuumada Shariif Xasan Sheekh Aadan, sidaas oo kalena hory u soo noqday Wariye iyo gudoomiye gobalka Baay ah.