Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Mareykanka Oo Aqoonsaday Ragii Sirdoonka Ruushka Ee Sirta Ka Xaday

Saturday - January 7, 2017



Washinton- Dawladda Maraykanka ayaa aqoonsatay dadkii Ruushka ahaa ee lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen xatooyadii dhanka internetka ahayd ee dhacday ka hor doorashadii uu ku guulaystay Donald Trump ee dhacday bishii Nofembar ee sanadkii hore, sida ay warbixin sheegtay.
Dadkaas oon wali magacyadooda la shaacinin ayaa la agu eedeeyay in ay macluumaad email-lo ku jira oo xisbiga Dimuqraadiga laga xaday ay la wadaageen barta siraha faafisa ee WikiLeaks si ay isugu dayaan in Trump loo codeeyo.
Ruushka ayaa diiday in uu wax lug ah ku lahaa arrintaas, Julian Assange oo ah ninka aasaasay barta WikiLeaks ayaa isna sheegay in aysan Mosko ahayn meesha uu ka helay xogtaas.
Jimcaha ayaa Trump lala wadaagidoonaa eedaymaha sheegaya in Ruushku uu farogalin ku sameeyay doorashada Maraykanka arrintaas oo uu shaki kaga muujiyay qoraallo badan oo uu Twitterka ku soo qoray.
Todobaadka soo socdana waxaa warbixintaas loo soo bandhigi doonaa dadwaynaha Maraykanka.
Madaxwayne ku xigeenka dalka Maraykanka Joe Biden ayaa u soo jeediyay madaxwaynaha la doortay Donald Trump in uu isbadal la yimaado wuxuuna dhaliilay weerarka uu ku hayo laamaha sirdoonka Maraykanka.
Biden ayaa sheegay in ay “caqli la’aan tahay” in madaxwaynaha la doortay uusan aaminin laamaha sirdoonka ee dalka Maraykanka.
Madaxwayne ku xigeenka ayaa hadaladan u sheegay warbaahinta PBS oo uu waraysi siiyayay.