Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Shiikh Daaci Ahaa Oo 35 Maalmood Kadib Geeridiisi Qabrigiisa Dib Loo Soo Fagay Lagu Arkay Arin Mucjiso Ah

Wednesday - Feb 15, 2017


Tuulo u dhaw Magaalada Qows oo hoos timaadda Gobolka Qina ee dalka Masar waxa ka dhacday arrin mucjiso ah oo ay rumaysan waayeen intii maqashay balse ay cid walba oo dul tagtay ay indhaheeda ku aragtay xaqiiqada arrinkaasi oo noqday mid si weyn todobaadkii ugu dambeeyey looga hadal hayo warbaahinta dunida gaar ahaan dalalka carabta kadib markii ay dhacday in nin saalix ah oo ku wanaagsanaa diinta Islaamka oo geeriyooday muddo laga joogo 35 Maalmood oo qabrigiisa dib loo faqay loogu tagay isaga oo aanu jirrkiisu is baddalin oo sidii lagu aasay ah oo aanay ciiddu cunin.

Falkan layaabka leh ee Mucjisada ah ayaa ka dhacay tuulada Al-Maqribiya ee deegaanka Qows ee Gobolka Qina, dalka Masar kadib markii dawladda hoose ee degaankaasi ogolaatay in dib loo soo saaro lafaha iyo haraaga maydka Shiikh Daaci ah ahaan jiray oo lagu magacaabo Maxamed Cabdul-wahaab Mustafa oo ku geeriyooday da’da 55-jirka kaasi oo imika sii mootan muddo haatan laga joogo 35 Maalmood kadib markii ay qaraabadiisu codasadeen in maydka ninkaasi dib loo soo faqo oo loo saaro si loogu wareejiyo xabaal kale kadib markii ay sidaasi ku riyoodeen in badan oo ka mid ah qaraabadiisu kuwaasi oo markii ay ka sheekaysteen riyada ku soo noqnoqotay in ay dib u soo fagaan maydka Waalidkood Shiikh Maxamed oo ay ugu dambayn go’aansadeen in ay xabaal uga qodaan goobtii uu gurigiisa kaga cibaadaysan jiray ee uu inta badan ku khalweyn jiray salaadahana ku tukan jiray.

Maamulka dawladda hoose ee deegaanka ayaa qaraabada Sheekh Maxamed ka ogolaaday in ay dib u soo saaraan maydkiisa si xor ahna ay ugu aastaan meesha kale ee ay jecel yihiin ama door bidayaan taasi oo markii la amray in dib loo faqo xabaasha shiikh Maxamed loogu tagay arrinkan mucjisada ah oo ah in loo tagay maydkiisii oo kafankii ku xirnaa oo kali ah ay ciiddu cuntay oo jirkiisu sidii lagu aasay uu yahay oo aan haba yaraatee wax is baddal ahi ku dhicin.

Markii arrinkani soo baxay maamulka dawladda hoose waxa ay amreen in arrintan loogu yeero wafdi culimo ah iyo nin takhtar ah oo shareecada islaamka wax ku baara kaasi oo xaqiijiyey in maydka Shiikh Maxamed Bin Cabdul Wahaab uu yahay sidii lagu aasay 35 Maalmood ka hor oo aanu haba yaraatee wax is baddal ahi ku iman oo aad mooddaba in uu saacado ka hor uun geeriyooday.

Ehelada dadkii tuulada ayaa ka qayb galay aaska labaad ee loo sameeyey Sheekh Maxamed oo lagu aasay meel gurigiisa ah gaar ahaan halkii uu ku cibaadaysan jiray maadaama ay sidaa dalbadeen qaar ka mid ah ubadka uu ka tagay iyo kuwa ay sii dhaleen kuwaasi oo in badan oo ka mid ahi ku riyoodeen in aas labaad ay u sameeyaan oo ay xabaasha ka soo badalaan una soo wareejiyaan xabaashan cusub ee kale.

Maayarka Degmada Al-Maqribiya ayaa telefishanka Al-Carabiya u xaqiijiyey sida arrinkani u dhacay isaga oo sheegay in ninkaasi dadkii yaqaanay ay ku sheegeen in uu ahaan jiray nin shiiikh ah oo cibaado badnaa, ahaana nin adduunka ka saahiday oo u go’ay cibaabada ALLE mudadii uu noolaa isaga oo lagu yaqaanay akhlaaq wanaag iyo dabeecad wanaagsan. Sheekh Maxamed Cabduwal Wahaab ayaa lagu sheegay in uu ahaan jiray shiikha tuulada isaga oo xallin jiray dhibaatooyinka dadka ka dhex dhaca una kala xukumi jiray si caddaalad ah sidoo kalena uu ahaa nin xaafidul qur’aan ah oo dadka diinta bara.