Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Trump: Dawladaha Khaliijka Waa Kuwa Saaqiday Oo Ma Hayan Wax Aan Ka Ahayn Barwaaqo Lacageed

Tuesday - Feb 21, 2017


Madaxweyne Donald Trump ee deg-deg-sinyihiisa daruuraha ka caweeya oo maalmahaan fushan faraskii waalayey, ayaa mar u taageera-yaashiisa kula hadlaayey goob fagaara ah oo ku taal magaalad folrida, ayaa la ciyey inu dalka Siiriya ka sameyn-doono degaan iyo arlo Aamin ah oo ay ku soo gabadaan dadyooga qaxootiga ah ee reer Suuriya taaso keeneysa ayuu yiri in ay yareyso qaxootiga ku soo qulqulaaya ameerika iyo Yurub .. Trump oo sida jir-jiroole hadba dhinac soo dhigta ayaa intaa hadalkiisa raaciyey oo yiri: kharajka balaayiinta ee ku baxaya hawlgalkaas waxaan ka qaadeynaa dawladaha khaliijka oo iyagu aan micno kale lahayn iney lacag haystaan mooye.

Niman reer khaliij ah oo twittarka wax ku qora oo hadalkaas Trump ka jawaabayey ayaa warkooda ku sheegay in hadal xumi usan jawaab lahayn, laakiin madaxda khalijka waa doqomo aan dibir ka dhargin, oo markii u aflagaadeyo Trump ayeyba xagiisa u si janjeersadaan oo ka raadsadaan maxabo taaso ah dhaqanka carabta ayaa sidaa ah .. kuwa kale oo iyagana warkaas trump ka daba qaatay ayaa dhinacooda ka yiri: horta intaanu ka fakarin hadalka Trump u sheegay, aan is weydiino warkiisa ma run baa mise waa been, waxay kalo tacliiqooda ku muujiyeen  in madaxda carabta gaar ahaan kuwa khaliijka ay u qabaan in Trump u gantaalo la dhici-doono iiraan, laakiin xaqiiqada kaliya la aaminsan-yahay ayaa ah inu la wareegaayo dhuxulo daba oo u ku doonaayo qiil u ku baneysto sidi qandi u ugu ridan lahaa hantida iyo maaliyada khaliijka.

Dhinaca kale mar wargeyska Der- Spiegel ONLINE ay wareeysi la yeelatay wasiirka arimaha dibada ee sacuudiga mr. Adel Al- Jubeir ayaa wareysigaas ku sheegay in madaxweyne Donald Trump usan ahayn sida wax looga sheegaayo, balse u yahay shakhsi waaqici ah oo hogaamin wanaagsan leh, isla markaana ka wada aragti nahay ka hortagga argagixsada DAACISH iyo iiraan, waxaa kalo wasiirka warkiisa ku xusay in dawlada laga mamnuucay ameerika ay la xariirto kalsonida la'aanta lagu qabo dawladahaas, gaar ahaan dalka liibiya iyo somaliya , balse diidmada aysan ahayn reereysi iyo wax diin ku shuqa leh