Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Farmajo Oo Soo Saaray Amar Ku Socda Safaaradaha Shisheeye Ee Degan Xarunta Villa Somaliya

Wednesday - Feb 22, 2017


Warar laga helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia uu amar ku siiyey safaaradaha shisheeye ee degan madaxtooyada Soomaaliya inay muddo kooban gudaheed uga guuraan halkaas.
Farmaajo ayaa kulan la yeeshay Masuuliyiinta safaarada-hoodu ku dhexyaalaan gudaha madaxtooyada, isagoo kala hadlay sida dowladiisa cusub u daneyneyso in laga guuro madaxtooyada.

Gudaha xarunta Madaxtooyada waxaa safaarado ku leh dowladaha Itoobiya iyo Jabuuti oo halkaas degenaa illaa xiligii dowladii Madaxweyne marxuum C/llaahi Yuusuf.

Masuuliyiinta labada safaaradood ayay wararku sheegayaan iney aqbaleen dalabka Madaxweyne Max’ed C/llaahi Farmaajo, iyagoo bilaabay qorsheyaal ay safaaradahooda uga rarayaan madaxtooyada.

Jabuuti ayaa noqotay dowladii ugu horeysay ee ku dhaqaaqda fulinta dalabka Madaxweynaha waxeyna isaga guureysaa dhismaha ay ka daganeyd Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta Muqdisho u yimid Xaflada caleema saarka Madaxweyne Farmaajo ayaa munaasabadaas ka dib soo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Safaarada Jabuuti ku leedahay Muqdisho oo laga dhisayo nawaaxiga xeebta Liido.

Itoobiya ayaan weli la iman qorshe cad oo ay safaaradeeda uga rareyso gudaha madaxtooyada inkastoo aragti ahaan ay aqbaleen iney halkaas ka guuraan.

Siyaasiyiin iyo aqoonyahano Soomaaliyeed ayaa horay u soo jeediyay talada ah in Safaaradaha shisheeye laga raro Madaxtooyada si gaar ah waxey farta ugu godeen Itoobiya oo siyaasad ahaan aysan Shacabka Soomaliyeed isjecleyn.

Jabuuti ayaa noqoneysa dowladdii 3aad ee safaaradeeda ka dhisata nawaaxiga xeebta Liido, waxaana halkaas horey safaarado uga dhistay dalalka Turkiga iyo Imaaraatka Carabta.