Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Ciidamada Dabagalka Iyo Macluumaadka Ee Ruushka Oo Bilaabay Hordhac Dagaal Qabow

Friday - Feb 24, 2017


Militariga Ruushka ayaa markii ugu horeysay qirtay heerka uu gaaray dagaalkooda ku saabsan akhbaaraadka internet-ka.
Wasiirka difaaca ee Ruushka ayaa sheegay in si heer sare ah ay u ballaariyeen waxa uu ku tilmaamay hordhaca dagaal qabow.
Sergei Shoigu ayaa sheegay in “Ciidamada dabagalka macluumaadka” ay ka qeybgaleen “jaajuusid iyo dacaayad wax ku ool aha”.

Balse ma uusan soo ka hadlin faafaahinta ciidamada iyo waxa uu bartilmaameed koodu yahay.
Hadalkan Ruushka ayaa imaanayo xilli ay jiraan eedeymo ah in xukuumadda Moscow ay weerar dhanka internet-ka ah in ay si joogto ah ugu qaaday dalalka reer Galbeedka.

NATO ayaa loo maleynayaa inay tahay meesha lagu qaadi doono weerarka ugu heerka sareeya.
Intuu socday dagaalkii qaboobaa ee dunida, USSR iyo dalaka reer Galbeedka waxay dhaqaale badan ku bixiyeen dacaayadda si ay awood ugu yeeshaan caalamka ayna u faafiyaan mabaadii’dooda.
Asigoo la hadlayay xildhibaanada Ruushka, Shoigu wuxuu yiri: “Waxaan leenahay ciidamada macluumaadka oo si wanaagsan u howlgali kara, kana awood badan sidii hore. Waxay ka hortagi karaan dacaayadaha”.
Keir Giles, oo ah khabiir ku taqasusay arrimaha militariga ayaa sheegay in “dagaalka internet-ka” ee Ruushka uu ka xoog badan yahay waxa ay dalalka Reer Galbeedka ka fikirayaan ee ah walaaca burcadda internet-ka.
Giles warbixin uu u gudbiyay NATO wuxuu ku qoray “Ujeedada waxay tahay in la xakameeyo macluumaadka, si kastoo ay awoodaan iyo wixii ay ku qaadataba. Tallaabadaasi waa wejiga labaad ee dagaalka macluumaadka ee Ruushka”.

“Waxaa intaas dheer, Ruushka ma raaadinayo in la aamino. Taasi bedelkeeda, Ruushka wuxuu leeyahay hal u jeedo oo ah inay hagardaaciso ujeedooyiinka dhabta ah, iyo in loo gudbiyo meelkaste oo ay khuseyso”, ayuu yiri Giles.
Ruushka wuxuu tijaabo dhinac kaste ah ku sameeyay NATO, sida inuu weeraro baraha bulshada ee shaqsi kaste oo ciidamada ka mid ah, ayuu BBC-da u sheegay Giles.

Ciidamada ay weerarka internetka ku qaadeen waxaa ka mid ah kuwa NATO ee ku sugan dalalka Baltic-ga, Militariga Poland, iyo ciidamada Ukraine ee dagaalka kula jiro mucaaradka.
Ruushka wuxuu beeniyay hadallada reer Galbeedka ee ah inay “warar been ah faafinayaan”.
Moscow ayaa dalalka NATO ku eedeysay inay wadaan is ballaaarin iyo inay taageerayaan kooxaha mucaaradka ku ah dowladda Ruushka.
Kaalinta Ruushka ee internet-ka waxaa si weyn isha ugu haya reer Galbeedkaa ka dib markii Mareykanka uu ku eedeeyay in burcadda Moscow ay jabsadeen qalabkii doorashada ee US.

Ruushka wuxuu hadda doorbidayaa in uu diiradda saaro dagaalka dhanka internet-ka ka dib weerarkii Georgia ee 2008-dii, sida uu qabo Mr Giles.
“Xukuumadda Moscow waxay hadda isu diyaarinaysaa inay bedesho fikradaha shucuubta dunida. Waxay faafindoonaan qaladaadka iyo saxnaanta dagaallka”, ayuu yiri Giles.
Taliyihii hore ee ciidamada Ruushka, Yuri Baluyevsky, ayaa sheegay in guul ay ka gaareen “dagaalka raadinta macluumaadka”.
“Dagaaalkan wuxuu aad uga muhiimsan yahay midka militariga ee hubka la isu adeegsado, sababtoo ah dagaalka noocan ah dhiig kuma daadanayo ayada oo saameyn weyn la geysanayo lana curyaaminayo cadowga iyo awoodooda”, ayuu yiri Baluyevsky.
Dalalka midowga Yurub ayaa sameystay ciidamo ka hor taga dagaalka internet-ka ee Ruushka.