Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Madaxweyne-yaasha Ma Guur-sadayaasha Ah (Nolol Doobnimo)

Tuesday - March 14, 2017


Sida qaalibka ah aad bay dhif iyo naadir u tahay nin hogaamiye noqday ama talada dalkiisa gacanta ku dhigay oo aan xaas lahayn ama wali ku guda jira nolosha kalinimo waxaanse qormadan kooban ku soo qaadan doonaat arrin taasi ka duwan oo ka warramaysa lix hogaamiye oo dunida soo maray qaarkoodna wali talada dalalkooda illaa maanta hayaan kuwaasi oo nolosha qoysnimo ka doortay in ay ku sugnaadaan nolol doobnimo ah ama kalinimo ah oo aan haysan lamaane ay nolosha la wadaagaan.

Saddex ka mid ahi waxa ay ka soo jeedaan dalalka Carabta waana hogaamiyayaal ama madaxweynayaal aad si wanaagsan u garanaysaan balse aanay dadku ka war qabin in ay yihiin rag xaaslaaweyaal ah. Haddii aad hore u maqashay marwada Madaxweynaha., Marwada Koowaad ee qaranka ama qoyska Madaxweynaha ama qoyska Boqorka waxa aan qormadan ku eegi doonaa Madaxweynayaal ama hogaamiyayaal aan haba yaraatee lahayn wax qoys ah iyo ubad toona waana arrin layaabkiisa leh.

Hogaamiyayaashan ama Madaxweynayaashan Lixda ah ee aan soo qaadan doono waxa ka mid ah Madaxweyneyaal ama hogaamiyayaal kasoo jeeda dalalka Carabta oo ka mid ah kuwa ugu caansan madaxda Carabta waxaanay kala yihiin Suldaan Qaabuuska waddanka Saldanadda Cummaan iyo Madaxweynaha waddanka Aljeeriya Cabdulcasiis Butufliqa. 
Shabakadda sputniknews.com oo laga soo xigtay maqaalkan xiisaha lihi waxa uu leeyahay Lixda hogaamiye ee doob-nimada ama nolosha kalinimada ku qaata qoys la’aantu waxa ay kala yihiin:

1. Vladimir Putin (Madaxweynaha Russia):
Madaxweynaha Waddanka Ruushka Vladimir Putin waxa uu ka mid yahay shakhsiyaadka wakhtigan adduunka ugu saamaynta weyn leh ee ugu awoodda badan isaga oo madaxweyne ka ah waddanka Ruushka oo ka mid ah quwadaha adduunka ugu weyn. Putin waxa uu kaalinta koowaad ugu jiraa Madaxweynayaasha xaas laawayaasha ah ee aan qoys lahayn wakhtigan ee nolosha kalinimada ah ku qaata. Inkasta oo uu noloshiisa hal mar guursaday waxa ay xaaskiisii hore kala tageen sannadkii 2014. Lodmella Putin oo ay wada jireen 31 sanadood ayay kala dhaqaaqeen sannadkii 2014 kadibna dib uma guursan wax qoys ahna ma laha wakhtigan.

2. Francois Hollande (Madaxweynaha Faransiiska):
Madaxweynaha Waddanka Faransiiska Francois Hollande ayaa isla la sheegaa in uu yahay nin xaas laawe ah oo aan haba yaraatee lahayn marwo dabka u shidda. Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande waxa ay muddo hore oo ku beegnayd isna sannadkii 2014 kala dhaqaaqeen haweenaydiisii hore Valere Trevlier oo hinaase ay ka qaadday xiriir hoose oo lagu xaman jiray in ninkeedu la lahaa gabar filimada jishaa ay keentay in qoyskoodu burburo.

3. Evo Morales (Madaxweynaha Bolivia): 
Madaxweynaha waddanka Bolivia Evo Morales ayaa la sheegaa in uu ka mid yahay Madaxweynayaasha aan lahayn wax marwo ah ama xaas ah ee kalinimada ku qaata nolosha qoysnimo kaasi oo la sheegay in aanu waligii guursan. Inkasta oo warbaahinta waddanka Bolivia hore u sheegi jirtay in ninkaasi dhawr dumar ah oo kala dambeeyey uu guursaday haddana waligiii si rasmi ah looma shaacin guur rasmi ah oo maxkamad ama kaniisadi riday waxaana la sheegaa in uu yahy nin doob ah oo aan xaas lahayn sidaana ugu jira liiska Madaxweynayaasha xaas laawayaasha ah. Noloshiisa gaarka ahi waa ay ka fog tahay mid caadifadeed iyo nolol qoysnimo waxaanu wakhtigiisa ugu badan ku qaataan xafiiska iyo qasriga Madaxtooyada mana laha wax xaas ah.

4. Ilyaas Sarkis (Lubnaan):
Madaxweynihii hore ee waddanka Lubnaan Ilyaas Sarkis ayaa la sheegaa in uu isna ahaa madaxweyne aan guursan oo doob ahaa. Ilyaas Sarkis oo waddanka Carbeed ee Lubnaan soo maray xukunkiisuna ahaa sannadihii u dhaxeeyey 1976-kii Illaa 1982-kii ayaa la sheegay in uu ahaa nin aan waligii guursan xukunka dalkiisana la wareegay isaga oo doob ah sidaana xilka kaga tagay isaga oo aan wali guursan oo sidii u kali ah. Waxa xusid mudan in ninkaasi xukunkiisu wax ka soo gaaray dagaaladii ehliga ahaa ee dalkaasi Lubnaan ka qarxay sannadkaasi.

5. Cabdulcasiis Botofliqa (Algeria):
Madaxweynaha waddanka Woqooyiga Afrika ku yaalla ee Aljeeriya Mudane Cabdulcasiis Botufliiqa oo ka mid ah madaxweynayaasha wakhtigan adduunka ugu da’da weyn leh ayaa la sheegay in uu yahay nin xaas laawe ah oo aan haba yaraatee wax qoys ah lahayn inkasta oo uu ku jiro aakhirul cimri. Cabdulcasiis Botofliqa ayaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah doobabka ama xaas laawayaasha ugu caansan dunida gaar ahaan dalalka Carbeed isaga oo noloshiisa inta ugu badan ku qaatay xaas la’aan ama gabar la’aan. Cabdulcasiis Botofliqa oo dalka Aljeeriya xukumayay tan iyo 1999 ayaa waxa noloshiisa xaas la’aanta ah mar si weyn uga faallooday Majaladda Caanka ah ee John Afrique taasi oo sannadkii 2015 ka diyaarisay warbixin ay ciwaan uga dhigtay “Botofliqa iyo haweenka” oo ay kaga hadlaysay cilaaqaadka uu haweenka la leeyahay iyo noloshiisa xaas la’aanta ah. Warbixintaasi oo laga mamnuucay in lagu daabaco ama wargeyskaasi nuqulkiisa la keeno dalka Aljeeriya.

6. Suldaan Qaabuus Binu Saciid (Cummaan):
Shabakadda Arrinkan xiisaha leh wax ka qortay ee aan soo xiganay waxa ay sheegaysaa in Suldaan Qaabuus Binu Saciid oo maamulka saldanadda Cummaan oo ka mid ah dalalka Khaliijka Carabtu in uu ka mid yahay doobabka adduunka ugu caansan ee aan xaaska lahayn. Suldaan Qaabuus Bin Saciid oo ah nin gacan adag ku haya dalkaasi Cummaan ayaa la sheegaa in uu markii ugu horraysay taariikhdiisa uu guursaday haweenay lagu magacaabo Nawaal Bintu Daariq Aal Saciid sannadkii 1976-kii balse uu laba sano gudahood ku furay sannadki 1979-kii kaasi oo loo aqoonsaday guurkii madaxtooyo ee carbeed ee ugu wakhtiga gaabnaa wixii intaasi ka dambeeyeyna Suldaan qaabuus Binu Saciid waxa uu doortay in uu noloshiisa ku dhammaysto doobnimo walina ma guursan illaa maanta .. Xigasho Forenews