Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Butin Oo Caro Kula Dhacay Netanyahu: Balwada Xun Waa Laga Taga Wax Badan Baad Colaad Baafisay Ee Dib Baad Uga Shaleeyen-doonta

Friday - March 17, 2017


Madaxweynaha Ruushka valdmir Butin ayaa si weyn uga carooday duqeynti diyaaradaha dagaalka israail ay sida badrada ah kula kacaday saldigyo ay fadhiyeen ciidamada dawlada Siiriya oo ku yaal gudaha dalkaas, waxaana la sheegay in diyaaradaha halkaas duqeeyey ay ahaayeen 3 diyaaradood oo ay leeyihiin ciidanka cirka Israail.
Ciidamada Siriyiinta sarkaal u hadlay ayaa warkiisa ku sheegay in diyaaradahaas horoorka ee ku soo duulay dhulka Suriya wax la riday iyo wax la baqo eryey oo ay isaga caabiyeen sayruukh dheer lidka diyaaradaha nooca SA-5 ee ruushku bixiyo, iyadoo mid ka mida diyaaradahaas ay gantaal holciya la helen oo dabadeed ku dhacday dhinaca xiga israaiiliyiinta, isla markaana waa sida u sheegayey mid ka mida diyaaradahaas u soo gaaray dhaawac oo si halhaleel ay ku dagtay garoonkooda, halka diyaaradi sadexaad ay baxsad haleel ah ku gaaratay dhinac israaiiliyiinta.

Dawlada israail ayaa iyaga dhinacooda qirtay in diyaaradahaas ay duqeeyeen makhsino ay ku jireen gantaalo ay leeyihiin Xisbulaahiga Lubnaan ee ka garab dagalama ciidamada siiriyiinta. laakiin waxay wax ma jiraan ku tilmaameen warka suuriyiinta ee ah iney soo rideen dayaarad ay leeyihiin

Hasa-ahaate dawlada Ruushka ayaa iyagana dhinacooda ka carootay weerarada qaawan ee israailiyiinta ay kula soo gardaroodeen dhulka Suuriya, taaso ruushka u ku tilmaamay mid lagu daandaansanaayo dawlada Siirya ee madaxa u yahay Biishaar Al-asad, waxayna dawlada ruushka isla markiiba u wacday safiirka israail ee fadhigiisu yahay magalada Moskow, iyadoo la weydiinaayo inu dawladiisa ka keeno jawaab cuntameysa lagu cadeynaayo sababta garadara qaawan loogu soo duulay arlada Suuriya .

Madaxweyne Butin ayaa hada ka hor mar u la kulmay raiisal wasaaraha israaiil mr. Netanyahu ayu uga digay inu joojiyo gardarada gawda ah u markasta ku soo galaayo hawada Suriya, haddi kale ayuu yiri: waa xaajo denbi aan la eegan-karin, una dul-qaata idinkaa dalbaday illaaq-dagaal, oo gefka iyo xumaanta gacanta ka laabanmeyno.

Wadaadada israail ee dib u eegta taariikhda Yahuuda ayaa kutubtooda Qardhaasyada ah ugu qoran-tahay in dawlada Siriya u madax ka yahay Bishaar Asad uu ugudambeysta yahay kan dacareysiin-doona israaiil