Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Cilmi Baaris Cusub .. Waxaa La Ogaaday In Cabitaanka Bunka Uu Ka Hortag Fiican U Yahay Isku Dhex Daadashada Maskaxda ( Al-zhemers)

Sunday - March 26, 2017


Washington (Geeska)- Cilmi baaris cusub ayaa lagu ogaaday in cabbitaanka bunku uu ka hortag fiican u yahay cudurka unugyada maskaxda dila ee Al-zheimers ka iyo isku dhex daadashada maskaxda, isla markaana uu la dagaalamo raadadka ka dhashay cudurradani haddii ay qofka ku dhacaan. 
Natiijada daraasaddan oo lagu tilmaamay bishaaro farxad u leh dadka bun cabka ahi waxa ay sidoo kale sheegtay in bunku uu dabeecadda furfuro, naftana geliy dareen firfircooni iyo baraarugsanaan dheeraada ah.

Cilmi-baaristan oo lagu dhex sameeyey jaamacadda Indiana Bloomington ee dalka Maraykanka ayaa xaqiijinaysa in kaalinta uu bunku ku leeyahay jirku aanay ku koobnayn firfircoonaysiinta qofka, balse uu sidoo kale xoojiyo dheecaanka NMNAT2 ee maskaxda oo ah gabbood ilaaliya unugyada neerfeed, lana dagaalama in barootiintu ay meel keliya ku guntanto, taas oo haddii ay dhacdo sababta xanuunka Alzheimers ka iyo isku dhex daadashada maskaxda. Iyada oo la og yahay in sidoo kale maaddooyinka dufanka ah oo maskaxda ku ururaa ay u gogol xaari-karaan in qofka ay ku dhacaan cudurrada neerfayaasha ee khatarta ah, iyo xanuunnada maskaxda dila ee uu ka mid yahay gar-gariirka ee Parkinson's Disease.

Cilmi-baaristan uu Geeska Afrika turjumay oo lagu faafiyey wargeyska Daily Mail waxa ay intaas ku dartay in hore loo ogaaday in maadadda Kaafiyeenta (Caffeine) ee bunka ku jirtaa ay awood u leedahay wanaajinta shaqada maskaxda ee dhinaca xusuusta, iyo kala kaxaynta barootiinnada ku urura maskaxda. Cudurka Alzheimers ayaa sida lagu ogaaday tirokoobyadii u dambeeyey waxaa qaba 47 milyan oo ruux oo dunida ku dhaqan, waxa aana laga cabsi qabaa in tiradu aad u sii badato inta ka horreysa sannadka 2050-ka.