Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Dawlad Bayrtay Bohol Bay Ku Dhacda .. Jawaari Oo La Daalaadhacaya Badabaadinta Qaranka Inteysan Bohol Ku Si Dhicin

Monday - March 27, 2017


Dadaalo xooggan oo kalsoonida loogu raadinayo Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa socda, iyadoo wajahaya culeys aan yareyn oo uga imaanaya Guddoonka Baarlamaanka oo doonaya in dib loogu noqdo dhismaha Golaha Wasiirada.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo shalay gelinkii dambe dib ugu soo laabtay dalka ayaa xalay ku biiray dadaalada kalsooni raadinta Xukuumadda oo lagu wado in maalinta Arbacada ama Khamiista midkood la hor-geeyo Baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ku adkeysanaya in aanu xukuumadiisa wax is bedel ah ku sameyn, inta Baarlamaanka ka ansixinayo, isagoo kala hadlay xildhibaanada iyo Wasiirada in arrinta kalsooni siinta Xukuumadda la siiyo muhiimada koowaad.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la qaba go’aanka Ra’iisul Wasaaraha ee ah in aan wax ka bedel lagu sameyn Wasiirada cusub, balse ay tahay in si shuruud la’aan ah uu Baarlamaanka ku meel mariyo, waxaana Madaxweynuhu ka codsaday xildhibaanada in aysan is-hortaagin Xukuumadda.

Kulamo gaar gaar ahaa oo xalay dhex maray Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirada cusub ayaa looga hadlay arrimaha kalsoonida Baarlamaanka iyo qaabka loo wajahayo, waxaana kulankan uu ahaa mid albaabada u xirnaa.

Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirada cusub ay isku waafaqeen sida kalsoonida looga helayo Baarlamanaka iyo in Wasiir walba uu codod ka raadsado xildhibaanada, hadii ay tahay mid beel iyo mid saaxibtinimo ah.

Kulan kale oo ay keli ahaan lahaayeen Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoonka Baarlamaanka ayaa dib u dhac ku yimid, kaddib markii Guddoomiye Jawaari ka cudur-daartay inuu ka soo qeyb galo, waxaana ujeedka kulankan uu ahaa in Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiye Jawaari ay si hoose ah arrinta cakiran ee Xukuumadda u falan-qeeyaan, waxna isla meeldhigaan, balse Jawaari ayaa si aan la fileyn uga cudur-daartay, isago ku andacooday iney Farmaajo iyo kheyre aysan ahayn dad u bisil dawladnimada, isla markaana aan lahayn caqli iyo garad ay wa ku kala furdaamiyaan.

Waxaa lagu wadaa in maanta gelinka dambe illaa caawa ay kulan isugu yimaadaan Madaxda dowladda, si loo wajaho qaabka kalsooni siinta Xukuumadda.

Guddoomiye Jawaari iyo ku-xigeenadiisa ayaa hada u muuqda inay caqabad ku yihiin kalsoonida Xukuumadda ay ka hesho Baarlamaanka .. war ayaa sheeggaya in inta badan xildhibaanada saxiixay qaraarka lagu dalbanayo in wax ka bedel lagu sameeyo Wasiirada, si loo saxo awood qeybsiga ayaa la sheegay in la kala fur furay oo lagu qanciyey in xukuumadda ay ansixiyaan.

Qoraalkii Sabtidii la soo dhaafay uu Guddoomiye Jawaari u diray Ra’iisul Wasaaraha ayaa banaanka soo dhigtay, sida Guddoonka aanu ugu qanacsaneyn Golaha Wasiirada cusub ee magacaaban, waxaana dad badan ay sheegayaan in tani ay horseedi doonto khilaaf waqtigiisa ka soo hormara oo xukuumadda iyo Baarlamaanka soo kala dhex gala.