Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Wafdigi Khatumo U Hogaaminaayey Cali Khalif Galeyr Oo Dhex Jibaaxaya Magaalooyinka Somaliland Iyagoo Hagoogan Calanki Buluuga Ee Xidigta Lahaa

Sunday - April 2, 2017


Laascaanood – Waftigii uu hogaaminayay Cali Khaliif Galayr ee wadahadalada kula soo galay Masuuliyiinta ka socday Somaliland dalka Jabuuti oo shalay lagu soo dhaweeyay Laascaanood ayaa waxa ka soo if-baxay arin layaab ku noqotay guud ahaan Shacabka Somaliland, kadib markii shaashadaha laga daalacday muuqaalka masuuliyiinta waftigaasi oo ay hareero socdaan Ciidamada Somaliland iyo Calankii Soomaaliya oo laabta u suran oo ay ku xaragoonayaan, arintaasi oo dad badan isku qaban wayday.
Inkasta oo aanu soo gunaanadmin wada hadalada u furmay Somaliland iyo Maamulka Khaatumo,haddana waxa ay dad badani wax iska waydiiyeen waxa ku kalifay In masuuliyiinta waftiga Cali Khaliif dhex jibaaxaan Magaalooyinka Somaliland oo ay soo dhaweeyeen Ciidanka Somaliland iyagoo hagoogan islamarkaana uu ka lusho Calankii Buluugga ahaa ee Xidigta lahaa ee Soomaaliya kaasi oo mamnuuc ka ah guud ahaan gayiga Somaliland in qaab siyaasadeed loo hagoogto.
Waxaana si toos ah shalay garoonka Diyaaradaha Magaalada Laascaanood loogu arkay qaar ka mid ah Masuuliyiintaasi oo muujiyay Calanka Buluugga ah ee Soomaaliya islamarkaana Tay ka dhigtay,Waxa si cajiib ah u muujiyay Afhayeenkii Kooxdaasi u hadlayay ee Warbaahinta warka siiyay kaasi oo sida sawirka ka muuqda gashan Calankii Soomaaliya wakhti ay hareero socdaan Ciidamada Somalilanad.

Dad badan ayaa u arka in Ku dhiirashada masuuliyiintaasi shalay u muujiyeen Calanka Soomaaliya ee ay Shaashadaha la soo hor istaageen iyagoo ku dhex sugan Carradii Somaliland ay ka mid tahay mid rajo la’aan ka dhigayso Natiijada Wadahadalada Somaliland iyo Maamulka Khaatumo oo aanay wax rajo ah ka qabin. 
Dad kale ayaa u arka inay tahay Talaabo ay Bulshada taageersan ee Reer Khaatumo tusayaan sida aanay uga boqe qabin Dawlada Somaliland iyo sida ay wali ugu dhegan yihiin Calankii Xidigta lahaa ee Soomaaliya, maadaama oo aanu soo gunaanadmin Wada hadalku. Fadeexada Waftigaasi ku ladhnaa ayaa waxa ay tahay inaanay masuuliyiintaasi wax ixtiraam ah u muujin Shacabka Reer Somaliland ee rajaynaya in Kooxdaasi ku soo biirto Xukuumadda Somaliland. 
Fadeexada labaad iyo dadka liqi waayeen ayaa ah in Ciidamada Somaliland ay illaaliyaan Masuuliyiin ku labisan Calankii Soomaaliya,waxaanay arintaasi dood culus ka dhex abuurtay Shacabka Somaliland gaar ahaan Baraha Xiriirka Bulshada oo si weyn loogu qaadaa dhigay arintaasi samaynta ay ku keeni karto kalsoonidii Shacabku ku qabeen Xukuumadda Somaliland.