Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Xilkii Ka Qaaday Gudoomiyihi Gobolka Banaadir Iyo Taliyaashi Ciidanka Somaliya

Thursday - April 6, 2017


Mogdisho-Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya ayaa maanta xilalkii ka qaaday taliyayaashii nabad sugida, xooga dalka, ciidanka booliska iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, kuwaas oo u badan taageerayaashii hore ee Xasan Sheikh Maxamuud.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay Taabid Cabdi oo horey usoo noqday Safiir ku xigeenkii safiirkii Soomaaliya ee dalka Mareykanka, waxaana xilkii laga qaaday guddoomiyihii hore ee Banaadir Yusuuf Jimcaale oo waayahaanba ay fallaartu ku godnayd.

Taliyaha cusub ee nabad sugida ayaa loo magacaabay xidlhibaan C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo ka tirsan golaha barlamaanka Soomaaliya, waana markii labaad oo xilkaan loo magacaabo Sanbaloolshe, sidaasina u xilkiisii ku waayay General Gaaafow.

Sidoo kale, madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya ayaa taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya u magacaabay General Cabdixakiin Daahir (Saciid), oo horey xukuumadii Saacid Shirdoon usoo qabtay xilkaan, waxaana lagu badelay Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Waxaa sidoo kale madaxweynuhu magacaabay taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya, iyadoo loo magacaabay Jen, Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid, waxaana lagu badelay Maxamed Aadan Buud, Sidoo kale waxaa madaxeynuhu magacaabay abaanduulaha ciidanka xooga waxaana loo magacaabay Jen. C/llaahi Cali Caanood.

Madaxweyne Farmaajo ayaa magacaabistaan kusoo bandhigay shirka golaha wasiiradda Soomaaliya oo uu isagu shir guddoomiye ka ahaa.