Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Donald Trump-ka Dhuusada Ka Dhakh Siiya Oo Gaas Iyo Kibrid Suray Suuriya Iyo Moskow Oo Wacad Ku Martay In Ay Xoojineyso Hanaanka Difaaca Hawada Dawlada Siiriya

Saturday - April 8, 2017


Ugu yaraan lix Qof ayaa lagu soo waramay in ay ku dhinteen duqeyntiisi uu mareykanka jimcihi u geystay xarunta ciidamada cirka ee suuriya .. laakiin Ruushka oo garab siinaaya ciidamada Suuriya ayaa mareykana ku eedeyey in ficiladiisa laba wajiilanimada uu ku dhiiragelinayo argagixisada

Mareykanka ayaa dhiniciisa ku jawaabay inu dawlada Ruushka ka niyad jabay, balse usan la yaabin jawaabta u ka bixiyey duqeyntii ay uu u geystay saldhigga ciidamada cirka ee Suuriya.
Mareykanka wuxuu aaminsan yahay in garoonkaasi laga qaaday weerarkii sunta kiimikada loo adeegsaday ee Idlib.
Xukuumadda Moscow ayaa wacad ku martay in ay xoojineyso hannaanka difaaca hawada ee dowladda Suuriya, Sidoo kale waxay xireysaa khadadka ay Mareykanka siisay ee Suuriya, oo u jeedada laga lahaa ay ahayd in laga fogaado in ay isku dhacaan ciidamada labada dowladood ka jooga Suuriya.