Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Culimo Urur- Diimeed Oo Lagu Eedeeyey in Eedaan-kooda Alaahu Akbarta U Af Iyo Been Ka Yahay Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Tuesday - April 11, 2017


Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Booliska maamulka Somaliland ay Xabsiga dhigeen Koox xaga war-baahinta ku andacooday in ay Culimo-yihiin oo dhawaan Urur-diimeed kaga dhawaaqay Magaalada Hargeysa.

Taliyaha ciidamada Booliska Somaliland oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay howlgal ballaaran oo ay ku soo qabqabanaayeen Kooxdaasi in ay ka saameeyeen Magaalada Hargeysa.

Waxaa uu sheegay in dhawaan Maxkamad lasoo taagi doono Kooxdaasi, Sidoo kale taliyaha ayaa tilmaamay in kooxdaasi khatar ku yihiin Ammaanka Somaliland.

Kooxdaan ayaa waxaa lagu magacaabaa Asaadicuuna Bil Xaqi waxaana dhawaan looga dhawaaqay Magaalooyinka Hargeysa, Muqdisho iyo Garoowe, waxaa kalo la xusay in illa mudadi u Ururkaani sida qarsoodiga u dhisnaa in ay carrbiyeen dad tiradooda ku dhawaad illa 9000 qof, badan-koodana ay ku milmeen maamulada dalka ka jira, waxaa kalo la mala-awaalaya in xirir daab ay ku leeyihiin kooxda cuqubada al-shabaab.