Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Taariikhda Noloshaa U Abtirisa .. Noloshi Geesigi Wiil-Waal Hawlkar-nimadiisa Aan Ka Hakan-jirin Waranka

Wednesday - April 12, 2017


Garaad Xirsi Garaad Faarax Garaad Xirsi, oo lagu garan-ogyahay Garaad Wiil-Waal waxa uu ka talin jiray Gobolka JigJiga iyo agagaarkeeda.
Garaad WiilWaal wuxuu ka arimin jirey saldanad jirsata ilaa 25 Garaad oo ka horeysay isaga oo uu ku abtirsan-hayay .. Garaad Wiil-Waal wuxuu ka dhashay tolweynaha Daarood Ismaaciil Jeberti, khaastan Absame Kuumade, si hoos iyo reerka Jidwaaq.
Garaad WiilWaal wuxuu ku dhintay 63 sano, xili lagu qiyaasay 1850kii .. Garaad WiilWaal raguu dhalay iyo magacyadoodu waxay kala ahaayeen; Cubbeed,Cumar, Axmed, Qaalib, Askar, Faruur Iyo 

Garaad Wiil-Waal wuxuu la dhashay laba wiil oo la kala odhan jirey; Guuleed-Kotte Garaad Faarax iyo Samatar-Caarre Garaad Faarax, Labadana dad baa ka dhaqan .. Garaadku wuxuu kaloo la dhashay Dumar la kala odhan jiray ; Cawrala Garaad Faarax, Canbaro Garad Faarax Iyo Cawo Garad Faarax. waxaa kalo la xusa Adeeradiis Oo kala ahaa: Samatar Garaad Xirsi, Magan Garad Xirsi Guuleed Garaad Xirsi .. Waxaa kalo la tilmaama Garaad WiilWaal inu haween badan ka guursaday beesha Tanada Daarood oo ay ka mid ahayd Timiro Cadey iyo Dabo Aw Cali Shiikh, sido kale wwuxuu guuursaday dumar kale

Garad Wiil-Waal  inta badan dumarka u qabay wey kala maseyri jireen, laakiin garaadka ayaa kala maseyrkooda sidaan ku kala xaliyey: wwuxuu dumarkiisi oo waqtigaas afar ahaa ku yiri: gabalku markuu dhaco, golaheyga aan ku caweeyo iigu imaada, markay ugu yimaadeen buu yiri sii jeedsada, middii aan dhabarka ka taabto unbaan jeclahaye, iyadoo aamusan ha dhaqaaqdo oo aqalkeeda ha gasho.

Dhamaantood ayuu dhabarka ka taabtay, Mid waliba iyadoo aamusan bay aqal-keedii gashay, iyadoo maanka ku heysa adigaa laguugu jecelyahay oo dhabarka lagaa taabtay .. Garaad WiilWaal qaboojinta dumarka sidaas buu ugu xeel dheeraa.

Naaneysta Wiil-Waal ah intii aan loo bixin yaraantiisii, ilaa qiyas ahaan intuu ka gaarayay 15 jir, waxaa lagu naaneysi jiray Jinni-Boqor, Sababtuna waxay aheyd inuu ahaa nin firfircoon, oo tababka dagaalka isagoo yar hantay, meel uu leeb ku ridayna aan la seegi jirin inta badan, Nin haday legdamaana inta badan dhinaciisa dhulka lama dhigi jirin ..Wixii la qaybsadana wuxuu ahaa wiil jecel in dheeraad laga siiyo, ama xeelad haku helo ama tabo kale haku helee.

Dagaalyahanimo, Gabyaanimo, Farda-dhaadhinimo iyo Gacan fudeyd lala yaabay ayaa barbaar-nimadiisiiba lagu bartay, Waligiisna sida la wariyey cid ay iska hor yimaadeen, nebar kalama hormarin.

Had iyo jeer, Warmihiisa iyo qalabkiisa dagaalku meel gacantiisa ka fog ma uusan dhigin.
WiilWaal isagoo 15 jir, aabihii Garaad Faaraxna noolyahay oo talada Jidwaaq isagu gacanta ku hayo, buu magacii aabihii hareeyay, oy noqotay in wiilkan yar ee soo kacay lagu wada hadaaqo.

Duqii dhalay oo wali ifka saaran, ayuu wiilkan yari taliyey , waxna dilay, waxna derajeeyay.
Hadal uu yiri cidi ma diidi karin, mana asaraari karin .. Nin melagiis gelay mooyee, nin "MAYA" kula dhici kareyna lama sheegin.