Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Imaaraadka Carabta Oo Xil U Magacaabay Raiisal-Wasaarihi Hore Cumar Cabdi-rashiid

Saturday - April 15, 2017


Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia, Cumar C/rashiid kala shaqeynaaya arrimaha Somalia, oo dano badan ay ka leedahay .. Xogta ayaa intaasi raacineysa in dowladda Imaaraadka Carabtu ay Cumar C/rashiid oo ka mid ahaa murashaxiintii ay dhaqaalaha badan ku bixisay u magacowday xilka la-taliyaha dowladda Imaaraadka Carabta ee arrimaha geeska Afrika, walow ujeedada tahay inuu si weyn ugala shaqeeyo arrimaha Somalia maadaama uu ahaa mas’uulka heshiisyo badan oo aan la soo marin baarlamaanka u saxeexay.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Cumar C/rashiid uu deegaan ku noqon doono magaalada Abu Dhabi.
Safiirka Imaaraadka ee Somalia Mohammed Ahmed Othman iyo Cumar C/rashiid Xilkan cusub ee Imaaraadka ku magacaabay Cumar C/rashiid ayaa muujineysa awooda uu dalkaani Carbeed ku leeyahay arrimaha Somalia iyo damaca qarsoon ee uu ka leeyahay kheyraadka Somalia, waxayna taasi keeneysaa inuu awood dheeri ah u helo arrimaha Somalia.Waxaa la rumeysan yahay inuu Cumar C/rashiid qeyb muuqata ku lahaa heshiiskii lagu siiyay Imaaraadka saldhiga milateri iyo dekadda Berbera, wuxuuna dhawaan ku darsaday Imaaraadka dekadda Boosaaso.

Booqashadii madaxweynaha Somalia uu ku tegay Imaaraadka ayaa sidoo kale shaki badan dhalisay, iyadoo dowladda aysan si waafi ah u qeexin qodobadii heshiiska ay wada galeen madaxweyne Farmaajo iyo Imaaraadka Carabta oo uun wasaarada arrimaha dibada Somalia kusoo koobtay iskaashi, inaan midnimada Somalia tahay maqadis iyo in Imaaraadku taageerayo Dowladda cusub.

Cumar C/rashiid ayaa lagu xusuustaa kaalintii uu ku lahaa heshiiskii is afgaradka lagu sheegay ee Kenya iyo xukuumaddii uu hoggaaminayay ay la gashay, iyadoo markii danbe wasiirkii heshiiskaasi saxiixay ee C/raxmaan C/shakuur uu caddeeyay inuu ku saxiixay amar uu bixiyay Cumar C/rashiid, heshiis-kaasina uu sababay muran la geliyay badda Somalia oo maxkamadeeda weli socoto.