Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Butin Oo Laba-kac-layn Seefaha Afeystay: Mareykan Waxay Guulwade U Noqon Ruush, Haddi Kale Gantaalaha Qarxa Iyo Geeri Baa Ku Leh

Tuesday - April 18, 2017


Dunida reer galbeedka ayaa mar qura dhagaha qam yiraahdeen, afka gacanta saaray oo cajab iyo argagax himad-jab ku noqotay gantaal afo ah u todobaadkaa milatariga ruushka ay tijaabadiisa indhaha uga dhufteen, taaso dardaaran iyo digniin looga dhigaayey isbahaysiga NATO ee maalmahaan wax aan la isku ogeyn hoos ka unkaamaya kuna sii gurguuraneysa xuduuda Ruuushka .. NATO kir bey taqaan ee joog ma taqaan ayey ahayd slogan-ka Jeneraalada Ruushka ee gantaaladaas amrka ka bixineysay. 

Gantaalkaas oo magaciisa lagu sheegay Zircon, waxuu awood u leeyahay inu maraakiibta waaweyn ee dagaalka si durduro ah u nishaabo kana dhigo digan-digo iyo xabaallo
Gantaal macan-gag ayaa markii la sifeeyey waxaa la sheegay in xawaaraha orodkiisa u sideed jeer codka ka dheereyo, isagoo isla markaana daqiiqadiba maylka tirinaaya masaafo ku dhann 160 km.

Sida ay sheegeeen kubarada ka faaloota hubka halista ee maanta dunida ka jira, waxay gantaalkaas ku tilmaameen ineysan jirin wax awood ah oo ka hortagi-kara .. waxaase wargeysa Ruushka ee la yiraa Nezavisimaya Gazeta iyagana dhinacooda ka qoreen in gantaaladaas Zircon missile aysan jirin wax u dhigma oo daqiqado gaaban ay guud ahaan markab alle markab dagaal kasta oo dunida ka jira qabuuro-xabaallo ka dhigi-karaan.

Dhinaca kale Jeneralada mareykanka ayaa marku arkay nooca halista gantaalkaas iyo sida bareerka xaragada leh ee ay u cantuugayaan maraakiibta dagaalka mareykanka, waxay taa u keentay in maraakiib cusub oo ay farsamadiisa gacanta ku hayeen ay dib u dhigaan, gudoonsadeen illa ay ka helayaan hub gantaalkaas ka difaaci-kara