Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Xaajadu Waa Mashaqo Weyn .. Is- Wanaajiye Badmacaanshe Farmaajo Oo Heeryadiisi Taageero Dib U Cunay

Thursday - April 20, 2017


Bulshada shacabka Somali gudo iyo dibad ayaa waayahaan dambe guux shakii iyo saluug ka qaaday xil gudashada saaran Maxamed Farmaajo iyo gaar ahaan sida xeer dumiska u ku faramaroojiyey mooshinkii xildhibaanada BF ee ka dhanka ahaa Imaaraadka Carabta faragelinta ay ku haayan Soomaaliya iyo Saldhiga Ciidan ee Imaaraadka ka sameysanayan Magaalada Berbera ee Waqooyiga Soomaaliya (Somaliland).

Sida la ogyahay markii Mooshinkaas Xubnaha Baarlamaanka loo qeybiyay ayaa Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya si deg deg ah wax u xagal-daaciyey una lobby-gareyey sidu is-baaro ugu dhigo mooshinka BF isago isla markiiba goor-wirwira la kulan sasabasho kula faqay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo hooygiisa madaxtooyada, halkaas ay shir ku wada qaateen muddo dhawr saac ah, waxaa kalo la arkaayey safiirkaas isagoo si hoose afka kula jira Ra’iisal Wasaaraha Xasan Cali Kheyre iyo Afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari oo isagu arinta mooshinka hortaal qalqalooc u marma-rooriyey ..Waxaa intaas xigtay Farmaajo oo si aan maamuus baratakol lahayn deg deg ku tagay Imaaraadka Carabta isla markaana isagoo qanacsan ku soo laabtay Muqdisho.

Amuuraha bar baa sira, hasa-ahaate qaarkood lama qarsho oo wixii war markaas saaxada dulun-dulcaynaya waa la isu qeexa .. Madaxweyne Farmaajo oo dadka Soomaaliyed ka haysta taageerada ugu badan kadib doorashadiisii, balse hadda hamigi iyo rajadi loo qabay aad moodo iney hoos u sii shiiqeyso, ayaa waxaa uu haatan qeyb ka yahay shaqsiyaadka dowlada ka tirsan ee musuq-maasuuq faraha kula jira oo micnaha ka gaabsaday in Imaaraadka uu ka joojiyo saldhiga militeri ee Berbera iyo siiba mashruucyada kale sida heshiisyada shidaalka ee maamulada qaarkood ka socda .. Madaweyne Farmaajo ma ahayn inu xaajada indhaha ka jeediyo, balse ayey ahayd inu birta intey kulushahay budeeyo oo arinta gardareysiga iyo gacan dhaafka ka gadoodo, xitaa waxay ahayd inu shacabka mar un ciridka u muujiyo oo xaalada jirta  jawaab ahaan iska xujo bixiyo xogteedana dadka hadal ku deeqsiiyo, laakiin taas ma dhicin, balse sida war xuuraan lagu ogaaday wuxuu door biday inu si qooris-maris ah xoogaa sooryo ah gacanta loogu soo qooyo, sida kale waxaa la qabo in maamul la-talyihiisa ku lamaanan kuna ag naban u ka dambeeyey inu sooryadaas loo gartay qaato, kaaso sida xanta la sheegay ku qanciyey in sooryadaan tahay deeq iyo nicmo ilaahay lagu duceystay, isaguna waa Farmaaje soo jeedintaas waa la qaatay .. waxaa halkaa ku soo xirantay halku dhagi ahaa: Farmaajo inu dooran-yahay dunida gaarsiya .. Kan anaa doortay, kaana anaa diiday iyo doorkaan talada shacabkaa leh.