Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Sheekadi Cigaal Shidaad .. Wey Na-Garaneysa Oo Na-gaadeysa

Saturday - April 29, 2017


Cigaal shiidaad waxa uu ahaa nin xigmad badan oo fulaynimo lagu xanto.waxa uu ahaa fulay laakiin xigmadi ku jirto oo ilaa hada soomalidu way isticmaashaa hadaldiisii ama maah-maahihiisii. 
Matalan marka qof uu doonayo in qof ay saaxiib ahaayeen oo xumeeyay uu u maah-maaho waxa uu soo qaataa maahmahdii uu bixiyay Cigaal Ee Kurtunka

Cigaal Shidaad waxa uu ahaa nin nin dhalay oo geesi ah, waxaana had iyo jeer laga daalacdaa nin bulshadu si weyn u xisayso shekoyin-kisa .. Cigaal waxa uu ahaa jilaa caan ah si uu bulshada u qanciyo .. Cigaal waxa ahaa atoore badiye. Waxaana lagu tilmaama  inu ahaa nin dheer mitr-kisu yahay labo mitir, waxaa uu ahaa nin cad oo bidaar leh waxaa uu xiran jiray dharka midab-kisu yahay cadaan jeniqar, waxaa u ahaa nin sumcad ku leh bulshada waxa uu ahaa nin wax ku jili jiray fulay waxaa una ahaa nin qabilkisu yahay ogaadeen waxa uu dagi-jiray dhulka somalida Eithopea.

Cigaal oo degan meel miyi ah oo magaalada u dhow ayaa goor barqo u socdaalay magaalada wuxuuna qaatay Ul iyo Ubo-wayso markii salaadii Duhur la gaaray ayuu Ushiina dhinaca midig dhigtay, markuu waysadii is yiri bilow ayuu Waysadii-Ubada mooday bahal intuu Ushii si degdeg ah u qaatay ayuu Ubadi-waysada ku dhuftay waayo wuxuu mooday bahal wuxuuna yiri ( way na-garanaysaa oo nagaadaysaa) 

Cigaal iyo Wiilkiisii
Cigaal baa maalin asagoo gurigiisa hortaagan oo sita waran af badan baa waxaa ku soo guurguurtay wiil uu dhalay oo aan sanad gaarin oo afar fool kaliya leh markasuu cigaal baqay wiilka afka ku soo taagaya ee ku soo socda (ilaa waa aabihiise)cigaal naagtiisii buu ku yiri naa iga qabo afar foolaha rag la iskuma sii daaya oo gadaal gadaal u cararay naagtii inuu la ciyaarayay mooday oo kaftan bay u qaadatay oo way iska qososhay goortuu arkay inay qoslayso buu warankii la baxay oo madaxa ka taagay. wiilkii bartii buu ku naf waayey....

Cigaal iyo Naylo
Waa cigaal oo meel gurigiisa udhow jooga goor barqo ah, waxaa kusoo fac-leeyey naylo ama ubad badan si xoog lehna ugu yaacaya dhinicii guriga, haddee Cigaal saad ku taaqaaniinba maaha nacas ay taladu ka hoos baxdee, waxuu isyiri alaylehe balada kuwaan dabada kawada yay ku haleeline ka gaarsii oo baxso, markaasuu naylihii hor cararay asagoo tafta haysta oo oo si xoog leh u neeftuuraya, waxaa arkay dadkii guriga joogay oo fahmay inaay maanta Cigaal maalintiisii tahay ayaa su'aashaan waydiiyay, "war maxaa kugu dhacay Cigaal?", wayna ku qosleen, Haddee ma Cigaal bay ka gar helin? waa nin aftahan ah oo sida la isu furdaansho ku soo takhasusay, waxuuna ku jawaabay. "war kunaas madaxa madow waxay ka soo dideen baan kasoo diday". Asagoo tilmaamaya inuusan talada baqashada uusan kali ku ahayne ee uu la wadaago kun naylood oo ayaguba isku raacay in gurigii la qabto intaan ladaba goosan.

Dad ayaa wareestay Cigal oo yiri " CIGAAL MAXAA DHACAY SO TAAD DAGAALKII KA QAYB GASHAY " Cigaal wuxuu ku jawaabay " waa laisku baa ba'ayoo faraskaygii waa dhintay manta waranbaa caloosha ka soo riday" sheekadii isagoo wada ayaa farayskii soo ciyay oo guriga gadaashiisa soo sitaagay, markasay dadkii dhaheen faraskii Cigaal shidaad waa kanaa. Cigaal baa inta isla hadlay ayuu yiri "sharafta alla kaa qaad, muu sugo intaan hadalka dhameenayo"