Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Badmacaanshe Farmaajow Diric Miyaad Qaaday ? Kaskaaga Xagee Ka Eegnaa .. Somaliya Oo Loo Qorsheeyey In Mar kale Shan Dal Loo Qaybiyo

Sunday - April 30, 2017


Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka Somaliland Faysal Cali Waraabe oo sida caanka lagu yaqaan inu yahay nin hadalka la bara-raqleeya, hasa-ahaate waxaa si gaara lagu tilmaama nin raad gura xaqiiqooyinka daahsoon oo isla markaa si fiican uga warqaba qorshaha lagu maleegaayo shirka London .. Shirkaasoo qorsho khatara badan ku duugan-yihiin, wuxuuna dhankiisa ka sheegay in wadamada Ingiriiska iyo kuwa kale ay dajiyeen qorsho la xariira in somaliya markale dib loo qaybiyo, sidaa darteedna dawlada somaliya u farmaajo madax ka yahay laga saxiixay heshiis dhigaya in Soomaaliya maamulada ay ka kooban-tahay laga dhigo isku awood oo haddana si iskood ah isku maamulaya, taaso loogu gogol-xaaraayo in mustaqbalka cidi doonta madax-banaani ku hamiso.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi u hogaaminaayo, waxaay horaanta biisha May u socdaan London waxayna  halkaas ku saxiixi-doonaan in ciidamo isku mid ah ay maamulada yeeshaan oo meesha laga saaro kuwa dowladda dhexe
Sidoo kale Faysal Cali Waraabe ayaa warkiisa xogta leh ku sheegay iney adag tahay Soomaali oo isku timaada maa-daama waqtigaan hub la isugu dhiibayo si ay awood militeri isugu yeeshaan.

Dhinaca kale dawlada Maxamed Farmaajo ayaa wararkaas siyaabo kala duwan u beenisay oo tiri waa hadal mafrash aan xaqiiqo ku fadhin balse aan raad lahayn, laakiinse si hoose iyo korba waxaa la ogaaday in qorshahaas xadadeynta ciidamada ay wax ka jiraan , waxaana soo baxaya war sheegaya in Maxamed farmaajo u yahay nin iska dhoohan aan waxba haynin ay lagdadeen kooxa gaara oo hoosaasisa, waxaa kalo la sheegaya in arintaa qorshaha siigada kicisay u iska wato la taliyihiisa xaga amniga ahna xididkiisa Xuseen Macallin oo isagu sida la sheegay hindise beena hurgufaaya dabinka socda wax ka shaqlay iyo isagoo si gaara iyo maamuus wada shaqeyn ugu lifaaqan sirdoonka dawlada ingiriiska.