Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Doqon Dibir Kama Dharagto .. Maafiyada Ingiriska Ee Shaxda Siyaasada Beenta Miista Oo Shir Hor dhac U Ah Khatasha Fadhiga London Oo Maanta Ku Qabsoomaya Xarunta Xalane Ee Mogdisho

Tuesday - May 2, 2017


Shir horu dhac u ah shirka London ee dhacaya 11-ka bishan ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho, kaasoo sida la sheegay ay yeelan doonaan masuullin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo ururo lagu sheegay iney yihiin kuwa caalamiga ee taageera Soomaaliya.

Shirkan oo ka dhici doona Xarunta Xalane ayaa waxaa ka qeyb geli-doona madaxda qaarkood ee dowlada, Qaramada Midoobey, iyo Mas’uuliyiin ka socota dowladda Britain oo iyagu si gaara u wata barnaamijka Somaliya

Wararka ayaa sheegaya in shirkan uu ka heer sareeyo shirar todobaadkan ka dhacay Xarunta Xalane oo ay hor-boodayeen La Taliyeyaasha idman ee Madaxweynaha.

Shirkan ayaa waxaa lagu gaarayaa heshiisyo khuseeya iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, waxaana lagu diyaarinayaa dhamaan heshiisyada lagu saxiixi lahaa shirka London.

Dowladda Farmaajo iyo Beesha Caalamka ayaa lagu wadaa inay is faham ka gaaraan qorshayaasha lala tagayo shirka London, gaar ahaan siyaasadaha horumarineed ee muhiimadaha koowaad la siinayo dhismaha milatariga Somali

Shirka London ayaa waxaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan in kooban dowladood, waxaana qorshaha la sheegay ka mida in Soomaaliya loogu yabooho taageero dhaqaale.