Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Rumaynay Rabow Rumaynay Na Raaci Rasuul-kayaga Oo Rugtu Dagay Nagu Hagaaji .. Dhimashadi Nabi Ibraahim ( Cs)

Thursday - May 4, 2017


Waxa uu Nabi Ibraahim (cs) dhintay isagoo dadiisu tahay 200 sano sida laga fahmayo xadiiska  Ibnu Xabaan: waxa kale oo la yiri ibraahim waxa uu noola 175 sanno .. Ibraahim markii uu ka so haajiray Ciraq waxa uu degay falastiin waxana uu ku noq-noqon jiray Magaalada Maka si uu u soo ogaado xaalka ay ku nool yihiin inankiisi ismacil iyo hooyadii Haajira.

Ibraahim waxana aasay labadiisi inan ee ismacil iyo isaxaaq waxayna ku aaseen qubuurihii lagu aasay Xaaskiisa (Saarah)  tuulada la yiraado Xamruun oo maanta loo yaqaano Khaliil oo ku taala falastiin.

illaahay (swt) isaga oo amaanaya Nabigiisi Ibraahim waxa uu yiri “Ibraahimkii oofiyay” ibraahim waxa uu oofiyay wax kasta oo illaahay amray oo ah qaybta iimaanka kamanay mashquulinay fulinta amarada illaahay wax kale.

Waxa kale oo illaahay (swt) yirii “Markii illaahay ku imtixamay kalmado wuu dhamays tiray illaahay waxa uu ku yirii dadka ayaan kaga dhigayaa imaam waxa uu yiri tafiirtaydana waxa uu ku yiri illaahay balan kayga kuma jireen kuwa daalimiinta ah” ibraahim markii uu dhamaystiray wixi illaahay amray ee ah waajibaadka waawayn dadka ayaa looga dhigay imaam si ay ugu deydaan.

Ibraahim waxa uu waydiisatay illaahay (swt) in imaam-nimadan ay ku xiriirsanato tafiirtiisa, illaahay (swt) waxa uu ugu jawaabay inaanay wanaaga lahayn daalimiintu ee khaas ay ku tahay inta tafiirtiisa ah ee muuminiita ah iyo kuwa wanaag farayaasha ah.

“Waxanu siinay Isaxaaq iyo Yacquub dhamaantoodna waanu hadaynay Nuuxna tafiirtiisa hore ayaan u hanuuninay, Da’uud, Saleeban, Ayuub, Yuusuf, Muuse iyo Haarun, sidaas ayaana ku abaal marinaa kuwa wanaag falayaasha ah , Sakeriye, Yaxye, Ciise iyo ilyaas waxay ka mid ahaayen kuwa wanaagsan Ismacil, Yasac, Yuunis iyo Luud dhamaantood waxanu ka fadilnay caalimiinta, Aabayaashoodi iyo duriyadoodi iyo walaalahood waxanu ku hanuuninay dariiqa toosan” Suratul Ancaam]

Nabi Maxamed (csw) isagoo amaanaya Nabi Ibraahim waxa uu yiri “Waxan istaagi doona goob ay khalqiga oo dhami ay rajeeyan ibraahim” tafiirta Nabi ismacil kuma jiro Nabi aan ahayn Nabi Maxamed (csw).