Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Dalka Eritrea Oo Saldhig Milatari Siisay Dawlada Masar

Sunday - May 7, 2017


Asmara - Dalka Masar ayaa la sheegay in uu saldhig Milatari ka sameysaneyo dalka Eritrea ka dib markii uu heshiis arrintaasi ku saabsani dhexmaray labada dal ee Masar iyo Eritrea kaasi oo ay si gaar ah dawladda Itobiya indhaha ugu hayso maadaama xafiiltan gaar ahi u dhaxeeyo Qaahira iyo Addis Ababa oo isku haysta biyaha wabiga Niilka isticmaalkiisa.
Sal-dhiggan ayaa dowladda Masar waxaa laga siiyay degaanka Nora, oo ka tirsan Jasiiradda yar ee Dahlak, halkaasoo oo ay dawladda Masaaridu ay qorsheyneyso inay dejiso 20,000 oo askari oo ka tirsan ciidamadeeda gaarka ah ee isugu jira kuwa badda iyo kuwa barrigaba.

Asmara iyo Qaahira ayaa isku fahmay muddada ay Masar degganaaneyso Saldhiggaas iyadoo ay labaduba diblomaasi ahaan iyo Juqraafi ahaanba isugu dhacsanyihiin dowladda Itoobiya oo heshiiskan ugu dambeeyey si gaar ah isha ugu haysa.
Dowladda Masar ayaa isku dayday iney saldhigan ka hesho meel ka mid ah Soomaaliya laakiin taas waxaa diidday sida la sheegay maamulka Muqdisho oo aan isagu haysan dekad uu si wacan gacanta ugu hayo oo uu maamulo marka laga yimaad dekedda Muqdisho oo aan istaraatiiji ahaan ku habboonayn saldhig Milatari.
Masar ayaa noqotay dalkii saddexaad ee Carbeed oo Saldhig ciidan ka sameysta Bariga Afrika gaarahaan wadanka Eeretariya, waxaana ka horreeyay Sucuudiga iyo Imaaraadka oo Eritrea saldhigyo Ciidan ka sameystay.
Sarkaal ka tirsan Xisbiga Talada haya ee Itoobiya ayaa sheegay in Xukuumadda Qaahira ay waligeed ku howllaneyd inay saldhig ciidan ka hesho Bariga Afrika, si ay ciidan u caga jugleeya Itoobiya u keento Gobolka.
Eritrea ayaa waxaa Itoobiya ka dhexeeya khilaaf ku saabsan xadka, kaasoo sababay dagaalo lagu hoobtay oo dhexmaray labada dal, iyadoo dhinaca kale Masar iyo Itoobiya ay ku muransan yihiin saami wadaagga Biyaha Wabiga Niil oo 70% ay Masar ku tiirsan tahay.