Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Taariikhda Waa Tuse Oo Casharo Ayaa Laga Barta .. Side Diinta Islaamka Ku Soo Gaartay Somaliya Iyo Laba Ka Mida Asxaabti Rasuulka Oo Ku Aasan Mogdisho

Thursday - May 11, 2017


Waxaa jirta in ay cidna sheegi karin wax-yaalihii ay caabudi jireen soomaalida Diinta islaamka ka hore, maxaa yeelay waxay ahaayeen dad aad u dhaqan wanaagsan oo ku sifoobay is-jaceel, Marti-dhoor, Daris-jaceyl, Isxaq-dhoor, Shaqo-jaceyl iyo wax la mida
.
Soomaalida oo la sheegay inay u kala degnaayeen Miyiga iyo Magaalada. Dadka Reer Miyiga ah oo ay lahaayeen dhaqan wanaagsan oo ay hishiis ku yihiin dhoorkii Qoys oo isla degan, ay sameesteen Madaxyo ay ku magacaabi jireen Ugaasyo, Islaan, Suldaan, Malaaqyo, iyo wax la mida.

Cidii madaxdaas warkooda diidana wa la fogeen jiray oo la takoori jiray dadkana laga dheereen-jiray kaasoo micnihiisu yahay in aan wax lala cunin, lala dhaqmin, lala Safrin, waxna lagu darsanin, lana guursanin. Sidoo kale dhaqanka xeebaha ee Reer magaalka waa ka duwanaa tan Reer miyiga waxayna ahaayeen dad la socday ilbaxnimada aduunka oo waxay ganacsi la lahayeen qaaradaha Aduunka oo waqtigaas hormaray sida:- Aasiya iyo Yurub oo waqtigaas ugu ilbaxsanaa, waxayna lahaayeen dabaqado kala sareeyo oo xukuma Boqortooyo, Duqow, iyo In-dheer garad.
Dadka aadka utaag daran waa la adoonsan-jiray, dadka masaakinta ahna waa lagu shaqeensanjiray kira aan ku filnayn ayaana la siinjiray.

Hadaba si kastaba arinta ha ahaatee markii uu Suubanaha uu soo diray Jacfar bin Abii-dhaalib si uu xeebaha Somaliya u soo gaarsiiyo Diinta islaamka isaga iyo Asxaabtii uu hogaaminayay oo dhamaa 83 oo Rag ah iyo 18 Dumar ah.
Kuwaa ayey ahaayeen dadkii ugu horeeyay oo soo gaarsiiyay Diinta islamka Dalka Soomaaliya, si wanaagsan ayay u qaateen una soo dhaweeyeen Soomaalida waqtigaa joogtay, lamana maqlin wax ka horyimid ama diiday Diinta islaamka.
Saxaabadii suubahana uu soo diray (n.n.k.h.) ilaa iyo waxay gaareen magaalada Muqdisho, waxayna markii hore kasoo dageen magaalada Saylac .. Mudo fara badan ayay joogeen Dalka Soomaaliya oo xataa Gabdho ka guursadeen.

Dad taariirkhda qorana waxay sheegeen in lama kamid ah Asxaabtii Rasuulka ay ku aasanyihiin magaalada Muqdisho agagaarka Tiyaatarkii hore, waxaana qubuurahaas baa bi’iyay gumeesigii Talyaaniga, kuwaas iyo Kuwa kaleba oo ay Soomaalidu karaameenjirtay, inkasta oo qaarkood ay tilmaameen culamadii hore sida: Sheekh Uwees dheere.

Soomaaliya oo waqtigaas kadib ay noqotay mid Diinta islaamka u ah dhaqan iyo tacliin ay bartaan, ayna u horseeday inay soomaliya noqoto meel loo cilmi raadsado, waxaana marba marka kadanbeysa kusii kordhinayay cilmiga islaamka Dadkii ganacsatada ahaa ee imaan jiray bisha Disembar magaalada Muqdisho.
Waxana fiditaanka Diinta islaamka qayb wayn ka qaatay dad muslimiin ah oo carab u badnaa oo soo dagay xeebaha Soomaaliya iyo kuwii hore u deganaab.