Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Fadarowday Dawlad-nimadi .. Xildhibaanadi Fedaraalka Ee Isku Bahaystay Afgambiga Dawlada Oo Tiradoodi Sii Korortay Iyo Wasiiro La Sheegay Iney U Soo Gacan Haadiyeen

Wednesday - May 17, 2017


Nairobi- Mogdisho- warar dhinacyo badan taabanaya ayaa Nairobi iyo Mogdisho ka soo burqanaya, kuwaaso tilmaamaya in xildhibaanadi baarlamaanka federaalka ee waayahaan guuxa iyo gariirka ka baxaya aad moodo kaare cartamaya oo cadaw cudud leh cagta marinaaya ay meelo badan oo ay ku kala sugan-yihiin isaga habar-wacday si ay ugu midoobaan in dawladaan U madaxa ka yahay Kheyre Margi-yada Iyo Muruqa la jaro.

Ku dhawaad Boqol Xildhibaan ayaa dhawaan Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya uga dhawaaqay madal cusub oo ay ugu magac dareyn Horusocod, waxaana si ku meel gaara madax looga dhigay Cabdirashiid xidig oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya .. hadaba madashaan cusub ayaa la sheegaya iney ku soo biireen xildhibaano hor leh oo qaarkood fasax ku joogaan waqooyi Ameerika iyo Yurub, waxaa kalo la tilmaamay in Cumar cabdirashid iyo siyaasiyin kale la soo xariireen oo iyana la sheegay iney abaabulka hoos ka wadaan kuna booriyeen in caano qubtay-ba gadaalkood la qabay, laakiin amuurta la yaabka leh ayaa noqotay markii la ogaaday in tiro wasiiro ka tirsan dawlada Kheyre ay saluug dartiis qaylo dhaan dhaliil ka keeneen maamulka ay ka mid yihiin oo iyagu laftooda u gacan haadiyey xildhibanadaas madasha dhigtay.

Mar xildhibaan wax laga weydiiyey waxa ku kalifay iney dhistaan isbahaysi mucaarad, waxuu tilmaamay oo yiri: markii horaba Bac kudaafad lagala soo baxay afuuf ku kala baxday baa naloo  keenay oo la yiri waa Hal-door iyo Somali waa reysaneysa dhogor cusub bey yeelaneysa, oo aan Run moodnay oo sababahaas ayaan farmaajo ku Boqranay, kaaso isla markiiba isu qaatay ka aan shimbir dhaamin jirin ee uu isagu yahay haadka keli ee duula hawada amase xabada kaluun ah ee bada ku jirta, hasa-ahaate muddo gaaban oo bil gudaheeda ayaan ku ogaanay inu yahay runti Bac nal soo afuufay iyo saabuun xoor laga waayey

Haddana mid kale oo xildhibaan ah ayaa caarbaabay in Farmaajo arintiisa tahay qadar dhacay iyo qoomamo oo shufto gaara ay Qandi ku ridatay oo sidey rabaan ka yeelaan, balse kuwaas waa koox aan rabin in indhaha la isu saaro farmaajo iyo bulshada, oo malaha sidey u dhaqmayaan waa daallimiin sixratay madaxweynaha .. ma aha ayuu yiri nin caqli iyo garaad ku duugan-yahay oo garan-kara inu qashaabir u af-duuban-yahay .. waxaa soo if baxday ayuu yiri inu yahay nin qadaadka indho ku leh, wuxuu yiri: Subaxii wuxuu u af-duuban-yahay koox u madax u yahay Fahad Yaasiin, isla galabtiina waxaa isku meegaara Kheyre iyo kooxdiisa, iyadoo habeenkiina kaltanka afduubkiisa ay la wareegaan grup gang oo reer xididkiisa ah isugu jira Dumar iyo Rrag qurbaha ka soo dheelmaday . dabadeed sidaas ayaa madaxtooyadi ku noqotay goob bahalo galeen ah u bartanka u fadhiyo Farmaajo