Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Waa Lax Wan Aan Rabin U Qosleysa .. Crusade Alfonso "Trump" Oo Si Laaluush Ah Cunaha Mariyey Millions Iyo Billions Doolar Oo Sacuudiga Laga Maalay

Saturday - May 20, 2017


Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee af taaga ku caan baxay, oo ujeeddo weyyn ka leh safarkiisa dhinaca Sacuudiga ayaa gaaray caasimadda Riyaad ee dalka Sacuudi Carabiya, halkaasi oo uu uga billaabmay safarkii ugu horreeyay ee uu dibadda ku tago tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.

Trump ayaa maanta la kulmi doono boqor Salmaan, waxaana uu Axada beri ah khudbad u jeedin doonaa hogaamiyayaal ka socda in ka badan 40 dal oo Muslim ah.
Shirweynahaasi waxaa xoogga lagu saari doonaa waa sida ay sheegaane dagaalka ka dhanka ah ururrada xagjirka ah iyo dabcan iiraan oo ujeeeddadu tahay in la halakeeyo.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa sidoo kale la filayaa in kulamadaasi lagu kala saxiixdo heshiisyo gacansi hub oo ku kacaya balaayiin doolar.
Balse booqashada Trump ayaa waxaa hareeyay baaritaanka lagu hayo xiriirka la sheegay in kooxdiisii ololaha doorashada ay la samaysay Ruushka.
Safarkiisa oo 8 cisho qaadan doona ayaa sidoo kale waxa uu ku mari doonaa Israa’iil, dhulka Falastiiniyiinta, Brussels, Vaticanka iyo Sicily.