Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Kacdoonkii Sida Weyn Uga Horyimid Boqor Najaashi Kadib Markii La Ogaaday inu Diinta Islaamka U Xuubsiibtay

Monday - May 22, 2017


Kolkii ay lataliyaashii iyo madaxdii diintu ay ka shakiyeen islaamnimada Najaashi ayey u yimaadeen, isaguna -Najaashi- wuxuu warqada ku qoray: waxaan qirayaa ilaah xaq lagu caabudo inaanu jirin ilaahay mooyee, nabi Muxamedna uu yahay Rasuulkiisa, markaasuu warqadii galiyey jeebada sare isagoo maro kale cabyaad ka dul gashtay maryihiisii.

Ciidankii iyo dadkii kaso horjeeday ayaa yiri: anagu Ciise inuu wiil iIaah yahay baan rumaysanahay, ee adiguna ma rumaysantahay? Najaashi intuu gacatiisa saaray jeebadii warqadu ku jirtay ayuu dhahay aniguna taasbaan rumaysanahay, isagoo ujeeda wixii warqadaas ku qornaa. Kolkaa way iskaga dareereen, hase ahaatee qolo kamid dadkaas ayaa kacdoon dagaal la yimid.

Boqorkii Najaashi markii uu ogaaday in dagaal uu dhacayo ayuu saxaabadii nabiga u yeeray, wuxuuna siiyey doonyo ay ku safrayaan iyo sahaydii ay ubaahnayeen wuxuuna ku yiri: hadii nalaga awood-bato ku safra doomahan, hadii anagu aanu gacan sareynana markaa waa ilaahay mahadii.

kadibna boqorkii wuxuu ka gudbay wabiga Niilka isagoo la dagaalamaya qolodii ku kacsanayd, waxaana dhacay dagaal qaraar. Ugu danbayna waxa gacantii sare yeeshay boqorkii Najaashi.

Saxaabadii Rasuulkuna (scw) intii rabtay inay sii joogta dhulka Xabashidana way ku sii nagaatay, cidii rabtay inay u hijrooto Rasuulkana (scw) ayaguna way hijroodeen.

Sanadkii 9-aad ee hijriyada ayuu geeriyooday boqorkii Najaashi ilaahay ha u naxariistee, maadaama aanay jirin cid ku tukatay salaadii janaasada waxa ku tukaday salaada janaasada nabiga iyo saxaabadiisa oo ayagu aan joogin gobtii uu ku geeriyooday ilaahay raali haka ahaadee.

Waxay tiri Umusalaam: Xabaashii Najaashi waxa la sheegi jiray in nuur ka iftiimayey oo ay hilaacaysay.

Boqor Najaashi ama Asxama ibnu Al-abjar wuxuu ahaa nin geesiya oo cadaalad badan, wuxuuna baal dahabka kaga yaalaa taariikhda Islaamka iyo muslimiinta, waxayna sharaf u tahay dhamaan muslimiinta degta geeska Afrika in ninkaasi kasoo jeedo qaarada Afrika gaar ahaana geeska Afrika.