Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Hayb-Takoor Qaldan iyo Xasuuq Bulsho/ Social Genocide .. Gabar Reer Hargeysa Oo Nabaro iyo Dhaawac Loo geystay Kadib Markii Loo Quuri-waayey Wiil Gabooya Ah

Tuesday - May 23, 2017


Rooda Mukhtaar Yuusuf oo ah gabar dhallinyaro ah oo reer Hargeysa ah kana soo jeeda Beelaha Isaaq, ayaa sheegtay in qoyskoodu gaadhsiiyeen nabaro iyo dhaawacyo, ka dib markii ay is jeclaadeen wiil ka soo jeeda Beelaha Gabooye oo reer Hargeysa ah.

Rooda Mukhtaar, oo u warantay ka tirsan Telefishanka Star, waxay soo bandhigtay dhaawacyo culus oo ay sheegtay in qoyskoodu gaarsiiyeen markii ay ku wargelisay in wiilkaas Gabooye ay is guursanayaan, kana dalbatay in la isku hibeeyo. Iyadoo ka hadlaysa arrintan, waxay Rooda tiri “Magacaygu waa Rooda Mukhtaar Yuusuf, waxa sidaas laygu galay ee nabaradaas laygu gaystay  wiil Gabooye ah ayaad doonatay, waxaanan xirnaa saddex cisho oo aan lugaha, gacmaha iyo qooraba ka xirnaa oo la leeyahay maxaad ninka Gabooye ka doontay, laba bilood ayaan wada soconay oo aanu isa soo mehersanay markii la isku kaayo diiday.” sidaas ayay tiri, waxaanay Alle ka bariday inuu caafimaad siiyo, lana garab galo hawlaheeda.

Aabaha dhalay wiilka inanta loo diiday oo isna la hadlay Telefishanka Star, ayaa sheegay in aabaha wiilka dhalay uu bur gacanta kaga dhaawacay ka dib markii uu ula tagay codsi ah inay isugu duceeyaan wiilka iyo gabadha isa soo mehersaday, waxaanu yiri  “Markii aan ogaaday in la isa soo mehersaday oo la is qabo waxaan islahaa inanta aabaheed aad ku tiraahdid mar haddii carruurtu is doonteen aan isugu ducayno, laakiin ilamaba sugin ee wuu igu bilaabay, bur buu igu bilaabay, inankaygii ayaanan la baxsaday, inantina waa la qabtay oo waa la deldelay.”

Boqor Axmed Iimaan iyo Suldaan Daakir Xasan Khaliif oo ka mid ah madaxda dhaqanka Beelaha Gabooye, ayaa cambaareeyay arrintan, waxaanay culimada iyo dadka mudan ee reer Somaliland ugu baaqeen inay wax ka qabtaan arrimaha noocan oo kale ah oo ay tilmaameen inay soo noqnoqdeen.