Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Aduunyada Imisa Sano Ayey Aadanuhu Ku Noo-yihiin

Thursday - May 25, 2017


Adduunyada aduunydu waxaa iska leh oo dhisay ilaahay, aadana hortiis adunyadu waa dhisnayd waxaana ku noolaa wax ilaahay kaligiis uu og yahay, wixii u danbeeyey ee ay aadanuhu ka dhaxleen dunida waxaa ay ahaayeen jijka, sababta jinka dunida looga xaaqayna waxaa ay ahayd kadib markii dagaalameen oo ay dhiig badan ku daadiyeen dhulka ayaa ilaahay malaaigta ku amray in jinka laga xaaqo dhulka lana geeyo buuraha iyo badaha dabadooda,.
markaas ayaa ilaahay bilaabay inuu abuuro aadane , qofkii u horayey ee dunida ilaahay ku abuuray waxaa uu ahaa nabiyu-laahi Aadan cs, waana Aabaha ay dadka aduunka ku nool oo dhan ka soo farcameen, hadaba goorma ayey ahayd xiligii la abuuray Aadan? saynisyahano ayaa ku sheekeya in adanuhu  ku noolaa dunida 500 milyan oo sano ka hor taasoo ah mid  aan caqliga galayn,.
Sida aan qiyaasnay aadanuhu waxaa uu dunida joogaay(12500) sano 12kun shan boqol oo sano, sida la qiyaasnaya ayaan rabnaa inaan idin dareensiino.
Waxaa laga qiyaas qaadan-kara arimaha diiniga ah, ilaahay markii uu dunida dhisay waxaa uu  u soo raaciyey kutub waxaan uu u soo dhiibay rusuulo iyo nabiyaal , inta la ogyahay waxaa dunida soo martay 124,000 Nabi waxaana magacooda lahayaa 25 nabi oo kaliya,.
Waxaa sidoo kale dunida yimid afar rasuul oo wada kutub diini ah uu ilaajhay u soo dhiibay, afartaas rasuul oo kala ah Nuux cs iyo Muuse cs iyo Ciise cs iyo Muxamad csw,  hadaba rasuulada iyo nabiyada qaarkood waxa ay kala danbeeyey 500 oo sano, rasuulu-laahi Muxamad csw iyo nabi Ciise waxaa kala danbeeyey 500 oo sano, nabiyu-laahi Nuux oo ahaa nabiga ugu cimriga dheere  anbiyada iyo nabi Aadan waxaa ay kala tirsanayeen 10 oday.
Halkaas waxaad ka garanaysaa in qiyaastii shan shan boqol oo sano u dhaxaysay anbiyadii, hadaba nabiyadu waxaa ay intooda badan ahaayeen kuwo is dhalay oo aan  aad u kala fogayn ,sida ibraahim, isxaaq Yacqoob, iyo Yuusuf oo  aha kuwo is dhalay, laakiin rusushu waa kala fogaayeen, marka nabiyada waxaan ka soo qadanaynaa 25ka magacyadooda la yaqaano waxaana ku dhufunaynaa 500 oo sano isku celein waxaa noo soo baxay 12500 sano, marka xita 500 sano oo ka hor dunimdu sidaan ma ahayn , diyaradahaan iyo Tecnologiga casriga ah waa wax ku eg 120 sano.
Qarni walba waxaa isbadal ku yimaadaa dhulka badaha dadka iyo wabiyada iyo cimilada, aadanuhu cimrigiisu aad ayuu u yar yahay waxaana noloshiisu la jaanqaada hadba meesha uu dunda uga nool yahay, hadaba saynisyahanka ku sheekaynayaa milyan sano ka hor aadane ayaa dunida joogay waa wax ay maskaxdu diidayso, qiyaasta saxda wwaa 12500  oo sano in Aadanuhu uu jiro.