Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Qaar Ka Mid Ah Hogaamiyaasha Aduunka Ee Quwada Weyn Oo Aan Lahayn Wax Ubad Ah

Monday - May 29, 2017


Foore News- In ubad la dhalaa waa hammiga rag iyo haweenba qof walbaana waxa uu jecel yahay in uu dunida guudkeeda ku arko ubad uu dhalay oo isaga ka beermay, ubad jacaylka iyo in dadku tafiirmaan waa mid ay dadka dunida ku nooli diinta ay doonaan ha haystaane ay ka siman yihiin inkasta oo lagu kala badan yahay xaddiga ubad ah ee ay doonaan in ay dhalaan.

Inkasta oo xaalku sidaa yahay haddana waxa wakhtigan dunida guudkeeda ku nool hogaamiyayaal caan ah oo dunida magac ku leh oo aan nasiib u helin in ay indhaha saaraan ubad ay dhaleen si kastaba ha u dhacdee waxaana madaxdaasi ka mid ah hogaamiyayaasha in ka badan 5 waddan oo lagu tiriyo kuwa adduunka ugu awoodda weyn leh oo ay ka mid yihiin Faransiiska, Ingiriiska, Jarmalka, Japan iyo Talyaaniga kuwaasi oo isugu jira rag iyo haween isla markaana aan nasiib u helin in ay indho saaraan ama dunida ku arkaan ubad ay dhaleen iyaga oo duruufo kala duwani u diidday in ay ubad helaan.

Ubad la’aanta hogaamiyayaasha wakhtigan ee dalalkan aan soo sheegnay iyo kuwo kale oo badan ayaa warbaahinta soo jiitay waxaana warbixin arrinkan laga diyaariyey sheegaysaa in tusaale ahaan Madaxweynaha cusub ee dalka Faransiiska Emanuel Macaroon oo ah nin da’diisu tahay 39-jir aanu lahayn wax ubad ah inkasta oo uu yahay nin xaasleh ah oo qaba haweenay isaga da’ ahaan ka weyn oo macallimad u ahaan jirtay wakhtigiisii jaamacadda taasi oo lagu magacaabo Brigitte Marie-Claude Macron oo iyadu hore u dhashay 3 caruur ah oo ay u lahayd nin ay hore u kala tageen balse aanay waxba u dhalin Madaxweyne Macaron mudadii ay wada joogeen. 

Haweenayda caanka ah ee Ra’iisal wasaaraha ka ah waddanka Ingiriiska Teresa May ayaa iyana liiskan ubad-laawayaasha ku jirta, da’deeda oo wakhtigan cagacagaynaysa 59-jir ayaan ilaahay waxba hore u siin wax ubad ah inkasta oo ay hal mar nolosheeda hore u guursatay oo ahayd sannadkii 1980-kii iyada oo wakhtigaasi guursatay nin lagu magacaabi jiray Philip John May kaasi oo aanay wax ubad ah isu yeelan. 
Teresa May oo dhawr jeer oo hore wax laga waydiiyay in ay iyadu necbayd in ay ubad dhasho iyo in kale ayaa waxa ay sheegtay in ay jeclayd in ay ubad dhasho balse nasiib darro ay aad uga murugooto kadib markii loo sheegay in aanay suurto gal ahayn in ay ubad dhasho.

Haddii aan soo qaadano haweenay kale oo hogaamiye ah, waliba ah haweenay aad u awood badan isla markaana maamusha waddan quwad weyni waa haweenayda Chancellor-ka ka ah waddanka Jarmalka ee lagu magacaabo Angela Merkel taasi oo iyana ah mid aannu nasiibku raacin in ay hooyo noqoto inkasta oo ay nolosheeda laba jeer guursatay mar hore iyo imika oo ay nin leedahay. lama oga in haweenaydani ay iyadu dooratay in ay ubad la’aan joogto iyo in ay tahay haweenay ma dhalays ah.

Dhinaca kale Ra’iisal Wasaaraha waddanka Japan Shinzō Abe ayaan isla lahayn wax ubad ah kadib markii hore loogu xaqiijiyey in aanay haweenaydiisu dhalaynin wax ubad ah maadaama ay tahay mid ma-dhalays ah. Marwada koowaad ee Japan ee ninkan u dhaxday oo lagu magacaabo Aki Abe oo arrinkan mar ka hadlaysay ayaa sheegtay in aanay wax ubad ah isku lahayn Ra’iisal wasaare Shinzō Abe loona sheegay in ay tahay ma dhalays aadna uga naxday markii arrinkaa dhakhaatiirtu u sheegeen oo ay jeclayd in ay ubad dhasho. Waxa kale oo aan isna ubad lahayn Ra’iil Wasaaraha Talyaaniga Paolo Gentiloni.