Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

17 Faaiido Oo Laga Helo Timirta .. Mar Walba Gurigaaga Yaan Laga Waayin

Friday - June 2, 2017



Geedka barakaysan ee timirtu waa geed ka baxa dhulka kulaylaha ah gaar ahaan dhulka aanay ku baxayn badi dalagyada kale ee la quutaa, dhulka ay timirtu ka baxdo waxa kale oo la yidhaa lama dagaan, waana dhul saxare ah oo cimilo ahaana aad u kulul roobkuna ku yar yahay.

Timirtu waxa ay leedahay faa’iido badan waxaana ay caawisaa qaybo badan oo ka mid ah jirka aadamaha. Haddaba faa’iidooyinka iyo mucjisada uu koobsaday geedka timirtu maaha mid qoraal lagu soo koobi karo laakiin waxa aynu xusi doonaa waxyaahaba ugu caansan ee laga dhaxlo isticmaalka timirta.
1. Timirtu waxay dhintaa Heerka Cholesterol-ka ee Dhiiga waxayna ka ilaalisaa Xiddidada Dhiigga qaada Qalafsanaanta sababtoo ah waxaa ku jira Timirta Maadada loo yaqaano “Pectin”
2. Timirtu Waxay ka hortagtaa kansarka xiidmaha, waxayna ka ilaalisaa Xanuunka Baabaasiirta, waxayna yaraysaa Dhagxaanta ku dhasha Kaadi haysta, waxay sidoo kale fududaysaa Marxaladaha Uurka iyo Dhalmada iyo Dhiiga ka dambeeya waxaana ku jira Fibres aad u wanaagsan iyo Sonkoro dhakhso u ridqama.
3. Waxay ka joojisaa in ilkaha uu Suus galo, sababtoo ah waxa ku jirta Maadada “Fluoride”
4. Waxay ka ilaalisa Jirka Sumaha waayo waxaa ku jira Maadooyinka Sodium, Potassium &Vitamin C  
5. Waxay daawaysaa Dhiig la’anta sababtoo ah waxa ku jira Maaddooyinka Iron, Copper & Vitamin B2
6. Waxay daawaysaa Jil jileeca Lafaha oo waxa ku jira Maaddooyinka Calcium, Phosphorus iyo Vitamin A
7. Timirtu Waxay daawaysaa Appetite la’aanta, sababtuna waa maadada Potassium-ka ee ku jirta.
8. Waxay daawaysaa Itaal darrada guud ahaan iyo Wadna xanuunka oo waxa ku jirta Maadada Manganisium iyo Copper.
9. Waxa ku jira Maadada Salinium oo ka hortagta Kansarka sidaasi darteed baan Dadka ku nool meelaha Beeraha Timirtu ka baxdo uba aqoon Cancer-ka. Kansarka maba yaqaanaa dadka Timirta beerta ee aadka u cunaa.
10. Timirta Waxa ku jirta Maadada dawaysa Itaal darrada xagga Galmada. Waxa ay lammaanaha ka caawisaa awood galmo ay ku samayn karaan oo sarraysa.
11. Waxaa ku jirta Maadada “Poron” oo daawaysa Lafa xanuunka Roomatiisamka (Rheumatism) ka iyo Kansarka Maskaxda
12. Waxay daawaysaa Qallaylka Dubka iyo Indhaha wiilkooda waayo waxaa ku jirta Maadada Vitamin A.
13. Waxay daawaysaa Xanuunada ku dhaca Mashiinka Cuntada ridqa; waayo waxaa ku jira Maadada Vitamin B1 oo aad ugu wanaagsan dheef-shiidka.
14. Waxay daawaysaa Timaha daata iyo Daalka Indhaha iyo Qallaylka Afka iyo Infection ka Bishimaha, taasi waxaa sahlaya Maadada Vitamin B2 oo ku jirta timirta.
15. Waxa ku jirta Maadada daawaysa Infakshanka (Infection) ka Dubka ama jidhka.
16. Waxay daawaysaa Dacarta Caloosha waayo waxa ku jira Maadooyinka Chlor, Sodium iyo Potassium.
17. Waxay daawaysaa Xanuunada Cirridka ku dhaca waxaana laga helaa Vitamin C.
Geedka barakaysan ee Timirta lama soo koobi karo faa’iidooyinka laga helo waana geed cunto ahaan ka sokow daawo ahaan loo adeegsado isaga oo ka hortag u ah cudurro badan oo dadka asiiba. Diinteenuna waxa ay dhiiri-gelisay isticmaalka midhaha timirta isaga oo Nagibeennii suubanaa (N.N.K.H) laga soo wariyay in uu yiri {Ma Gaajoodo Cidda Ay Gurigooda Taalo Timiri} waxaana uu Xadiiskani caddaynayaa oo markhaati ka yahay ahmiyadda ay leedahay Timirtu.

Timirtu waa cunnada ugu haboon ee lagu furo soonka caafimaad ahaan sababtoo ah waxay u roon tahay dheefshiidka, waana cunnada sida tartiibka ah calooshu u shiido, waxaa intaa sii dheer inay dheecaannada iyo fitamiinada jirka ku jira ay isu dheelli tirto markuu qofku muddo gaajaysnaado, waxayna sare u qaadaa amateedka (appetite)-ka qofka iyadoo gaajada si dhakhso ah u yaraysa, waxaa intaa sii dheer inay gaaska iyo asiidka caloosha ay ka ilaaliso inay dhaawac gaarsiiso dahaarka caloosha, sidaas awgeed waa in aan ku dadaalnaa in soonka aan ku afurno timir innagoo sunnada nabigeena suubban raacayna.

Dr. Cabdilaahi M. Mahdi