Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Sacuudiga Iyo Imaaraadka Carabta Oo Raba Iney Amiirka Qadar Weerar Afgambi Ku Lagdaan .. Iyo Amiir Tamiim Oo Gir-Gir Kulul Saaran " What What" Uni Ka Soo Hartay

Monday - June 5, 2017


Warar diplomasiyeed Akademis-yaal ah oo laga soo xigtay ilo Odoroskooda lagu kalsoonaan-karo ayaa ka sharqamiyey in talaabada kowaad iyo hindisaha dacaayada beenta badan ay hurgufeen Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta oo ay ugu dambeys xiriirka ugu jareen dawlada Qadar aysan abaabulkaa intaa ku ekeyn, balse talaabada ku xigta ay tahay in Amiirka Qadar dhinac walba Taraq looga daaro, oo dabadeed si duulaan ah raqdiisa la washariyo maallin cadceedan.

Sida Odoroska xusay, waxaa Qadar laga weerari-doona xaga Cir, Dhul iyo Bada, taaso ujeedadu tahay in gogosha iyo gobonimada u ku haysto Amiir Tamiim dalkaas Qadar laga duuduubo oo lagu badalo Amiir kale maqaar-saar ah,oo qaraabadiisa ka mida, kaaso sida la rabo ku shaqeyn-doona "adigo wax og isha iska Rid" waxaana dhici-karta in marka hore Qasriga Amiirka xaga cirka laga duqeeyo, kadibna ciidamo huwan khalijka carbeed ka soo daata dhinaca xuduudka Sacuudiga oo qabta halboolayaasha magaalada Dooxa.

Wararka ayaa intaa ku daraya in go'aankaas u yahay qorsho horay loogala tashaday masuullinta dawlada Mareykanka oo iyadu halkaas ku leh saldhig milatari.
Haatan iyo warka la soo dusiyey, waxaa socda in dawlada Qadar laga cuna-qabateeyo xaga Dhaqaalaha, Siyaasada iyo dhamaan wixii ay xiriir la leedahay dawladaha Carabta, Sida muuqatana haddi aysan xag Alle wax iska badalin dawlada Qadar oo iminka ku jirta difaac iyo keeb la yuurar, laakiin Deerana aan dili-karin waa ku kali iney awood kaga hortagto Tsunamiga amase powerful storm-ka soo food saartay, waxaana shaki ka jirin in hungurigi lacgta u dhawaanta ku dikriyey Madaxweyne Donald Trump ay soo walwaaleen Sacuudiga oo dhameyd 460 Milyaar ay ka tarjimeysay hawl-fududeyn iyo sidi loo qaban-lahaa Amiir Tamiimka Qadar, laakiin khubaro kale ayaa iyagana dhinacooda ka xusay in dawlada Qadar ay tahay dawlad Qani ah oo shidaalka gaaskeeda u dhoofisa dalka shiinaha, isla markaana ay maalgalin xoog leh ku leh inta badan dalalk Yurub iyo Ameerika, mana dhici-karto ayey yiraahdeen in guul-guul iyo cunaqabteyn wax looga qaadi-karo. 

Dhinaca kale the secretary of state ee Mareykanka Mr. Rex Tillerson, ayaa ku baaqay in dawladaha khalijka ay si wada jira ugu-tasbiixsadaan mid-nimadooda oo wixii khilaaf ah ku dhameyaan wada hadal iyo is-afgarad, laakiin Raga siyaasada indha-indheeya ayaa baaqaas ka shakey oo u arkay iney la mid tahay soo hadal qaadkii safiirkii mareykanka joogay Ciraaq u ku yiri Sadaam Xuseen dabadeedna u hadalkaas Sadaam kaga shidaal qaatay duulaamkii Kuweyt.