Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Dawladaha Ka Fal-celiye Xiriirka Laga Goostay Dawlada Qadar

Tuesday - June 6, 2017



- Mareekanka: Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Mareekanku waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in “la wada fadhiisto, arrimaha lagu kala duwan yahayna la xallilo” wuxuu wasiirku sheegay in aanu filaynin in arrinkani saamayn weyn oo taban ku yeelan doono gobolka. 
Sidoo kale, Major Adrian J T Rankine-Galloway waxa uu sheegay in aan Mareekanku qorshaynayn in ay wax-ka-beddelaan xiriirkooda Qatar.

- Dawlada Turkiga waxay ay sheegeen in ay aad uga xun yihiin khilaafkaas, Wasiirka Arrimaha Dibedda Mevlut Cavusoglu waxa uu sheegay in “midnimada Dawladaha Gacanku tahay midnimada Turkiga” waxa ay ku baaqeen wada-hadal.

- Pakistan waxa ay sheegtey in kasta oo ay Sucuudiga yihiin xulafo dhow, haddana in aanay jari-doonin xiriirka ay la leedahay Qatar.

- Russia waxay tiri “Ruushku ma fara-gelin doono arrimaha gudaha ee dalalkaas, balse waxanu rajeyneynaa in aan arrinkani wiiqi-doonin dagaalka lagula jiro argagixisada”

- Iran waxay ku dooday in waxa aynu daawanaynaa tahay “qaybtii ugu horeysey ee maxsuulka Jaaskii Seefaha” Wasiirka Arrimaha Dibedda Javad Zarif waxa uu Twitterkiisa ku qoray  “Derisku waa wax aan guureyn, Juquraafiguna waa wax aan la bedeli karin; Sidaa awgeed, Khasabku xal ma aha ee wada-hadalka ayaa dhaama, weliba xiligan Ramadaanta ah ee barakaysan”.
Dhanka kale, Iran oo u muuqata in ay aragto fursad saaxiibtinimo oo ay ugu weyntahay mid ganacsi iyo iyada oo isla markaana soo dhaweysaneysa quluubta Qatariyiinta, kana shaqeysiineysa fekreddii ahayd “haddaad dooneyso in aan qof ku illaabin is barbar-taag xiliga dhibka” ayaa arrinkan ka fal-celisay;

Guddoomiyaha is-kaashatada beeraleyda wax dhoofisa Mudane Reza Nourani ayaa yiri “Shixnadda ugu horeysa ee cunto ah waxanu Qatar ku gaarsiin karnaa 12 saacadood”

Si kastaba noqotee, Dhinac waxa ah, Qatar oo isu aragta in ay tahay jile siyaasadeed oo leh saamayn gobol iyo mid caalami ah oo wax-ku-ool ah, dhinaca kalena waxa jooga Sucuudiga oo Qatar u arka dal yar oo carbeed oo ku caasiyoobey, isla markaana doonaya in uu soo hoggaan baro. Haddaba, waxa dhowaan la filayaa in cadaadiska waddamada carabtu sii socdo, balse wada-hadallada ayaa mar walba haysta fursad iyo daaqad furan.