Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Qofka Ku Jecel Waa Qofka Diinta Kugu Nasteexeeya .. Sabata loo Aqbali-waayey Ducadaada .. Waxaa Weeye

Wednesday - June 7, 2017


Ereyadi Xikmada Al-imaam Ibraahiim:

~ ILaahay inuu jiro waad ogtahay……………..Hadana ma aadan adeecin.

~ Quraanka waad akhridaa ……………………..Hadana kuma camal fashid.

~ Shaydaanka waad taqaan……………………..Hadana waad dabagashay.

~ Waxaad tiri Rasuulka waan jeclahay………..Hadana sunnadiisa waad ka tagtay.

~ Waxaad tiri Jannada waan rabaa…………….Hadana uma aadan camal falin.

~ Waxaad tiri Naarta waan ka baqaa……………Hadana dunuubta kama aadan fogaan.

~ Waxaad tiri geeridu waa shay xaq ah………..Hadana isuma aadan diyaarin.

~ Waxaad ku mashquushay ceebta dadka ……..Hadana ceebahaaga mafiirisid.

~ Intaas waxaad cunaysaa RIZIQA Ilaahay…….Hadana kuma aadan xamdiyin.

~ Intaas waxaad wax ka aastaa maydka………..Hadana darsi kuma qaadatid.

 
Imaam Ibraahim ayaa sido kale maalin maalmaha kamid ah isagoo socda ayuu wuxuu soo maray nin tiiraanyaysan (murugaysan), markaasuu wuxuu ku yiri ninkii tiiraanyaysnaa isaga oo samirsiinaya.

Ninyohow tiiraanyaysani waxaan ku weeydiiyey saddex su’aalood:
 
IMAAM IBRAAHIIM: Dhulkaan dushiisa miyuu ka dhacayaa wax aan ilaahay qadarin?.

NINKII: Maya.

IMAAM IBRAAHIIM: Riziq Alle horay kuugu qaddaray miyuu kaa nusqaamayaa?.

NINKII: Maya.

IMAAM IBRAAHIIM: Cimrigii ALLE horay kuugu qoray miyay daqiiqadi ka go’aysaa?.

NINKII: Maya.

IMAAM IBRAAHIIM: Hadaba maxaa kuugu wacan inaad murugooto adoo intaas og?.

NINKII: Jooji!! jooji Shiikh!! intaas ku jooji!! ilaahay baan caabudayaa oo aan u laabanayaa!.

                 ALLAAH WAXAAN WEEYDIISANAY CAFI & CAAFIMAAD…