Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Nin Maxkamada La Tiigsaday Xaaskiisa Oo Uu Ku Eedeeyey In Ay Markii Labaad U Dhashay ilmo Foolxun .. Iyo Markii Dambe Waxa La Ogaaday

Saturday - June 10, 2017


Waxa ay noqotay qiso la yaab leh oo markii labaad ku soo noqnoqotay dhegaha dadka caalamka ku nool, gaar ahaan wadanka Shiinaha kadib markii nin lagu magacaabo Jan Fing uu xaaskiisa maxkamad la tiigsaday sidaana ku dalbaday in laga furo maadaama ay dhalayso caruur muuqaal ahaan aad u fool xun aadna uga duwan dhammaanba dadka ehelkooda ah labada dhinacba iyaga oo aan haba yaraatee qofna uga ekayn labada qoys ee ka soo jeedaan ubadkani.
 
Sida uu ku soo warramayo wargeyska Maraykanka ka soo baxa ee Huffington Post, Jan Fing oo ku nool deegaan ku yaalla Woqooyiga wadanka Shiinaha ayaa waxa uu isu diyaarinayay toddobaadkan in uu helo ilmihiisii labaad kaasi oo markii uu dhashay madax xanuun ku riday isaga oo aad uga carooday muuqaalka ilmaha yar oo uu ku tilmaamay mid aad u fool xun. 

Hore ayay sannadkii 2011 u dhacday in ilmihiisa hore ninkani sidan oo kale uga cawday fool xumo isaga oo wakhtigaasi maxkamadda geeyey xaaskiisa kuna eedeeyey in aanu isagu dhalin ilmahaasi yar ee foosha xun balse markii koox khubaro ah oo arrinka qoyskaasi loo xil saaray ay dhiiga hidde-sidayaasha ka qaadeen xaqiijiyeen in uu isagu dhalay ayay hadana mar kale dhacdadan layaabka lihi imanaysaa. 

Jan Fing waxa uu dacwad labaad ka furtay maxkamadda isaga oo xaaskiisa ku eedeeyey in ay gogol dhaaf samaysay oo aanu isagu dhalin ilmahaasi yar ee labaaad ee isna foosha xun. Jan oo u warramayay wargeyska China Today ayaa yiri: “Waligay ilmo noocan oo kale ah dunida kumaan arag. Muuqaalkiisu aad ayuu u fool xun yahay xataa waxa aan oran karaa ilmihii hore ee ka waynaa aadbuu uga sii fool xun yahay. Waxaan geeyey maxkamadda waxaanan si toos ah u dalbaday in xaaskan la iga furo caruurtana ay iyadu qaadato, sidaasaana la xukumay waxaanan ku faraxsanahay go’aanka aan qaatay”. 

Maxkamaddii kiiska qoyskan gacanta ku haysay ayaa haweenayda dhashay caruurtaasi fool xumada lagu nacay u xukuntay lacag badan iyo in ay caruurtaasi iyadu korsato oo ay qaadato iyada oo ninkeediina laga fasaxay. 
Haweenayda lagu eedeeyey in ay dhalayso ubad fool xun ayaa iyana telefishanka China K23 u sheegtay in aanay wax dhib ah u arkayn in ay dhasho caruur muuqaal ahaan fool xun waxaanay si dareen leh u tiri: “Nooc kasta oo aan dhalo waxaan u arkaa in ay tahay ubad aan nasiib u helay. Haddii uu fool xumo ubadkiisii yaryaraa kaga tagay anigu waxaan haysanayaa inta aan noolahay”. 

Baaritaan lagu sameeyey arrinkan qoyskan ayaa lagu ogaaday in haweenaydani iyada lafteedu aad u fool xumayd markii ay yarayd balse ay qalliin is qurxin ah iyada oo 18-jir ah ku soo gashay cisbitaal Kuuriya ku yaalla balse aanu ninkeedu ogayn in ay haweenaydiisu ahaan jirtay mid fool xun ka hor intii aanay is guursan balse qalliin ay isku samaysay darteed ay noqotay haweenay leh muuqaal la aqbali karo.