Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Durbaanka La Diiday In Caadi Loo Garaaco .. Sababta Qadar Loo Maagaayo .. Qatar Waa Xidigti Ka Dhex Ifeysay Bariga Dhexe

Monday - June 12, 2017


Runta in Yar Ayaa Sheegta .. Maxaa xiriirka looga goostay Qatar? Waxaa in badan isku dhacay U.S.A iyo Qatar oo dhanka siyaasada ayay isku khilaafeen .. Qatar waxay u yara dabacsantahay dhanka caalamul Islam , Muslimiin farabadan oo caalamul Islam ah ayay sooryeeysay sida Xamaaska Falastiin, Talabaan, Akhwaan-Muslimiin iyo kuwa kale, isla markaa uma aragto iiraan cadaw, waxaa lagu heystaa maxaad Ururadaas u soo dhaweysay maad iska fogeysid sida ay u fogeeyeen Imaraadka, Sucuudiga, Baxrain, Masar, waxa kale oo Qatar ledahay Television all- jaziira ee ku baxa dhowrka luqadood, xogaha Iyo siraah dunida ka dhaca kuwa ugu khatarsan soo ban-dhiga kaas oo ka Af dheer kuwa reer galbeedka Iyo mareykanka.

Madaxweyne Trump oo ay ka dambeyaan Lobbiga Yuhuuda, wuxuu ku amray khaliijka carabta gaar ahaan wiilka la sheego inu Qawlalaha ka xumbeya Amiir Maxamed Salmaan-ka Sacuudiga in ay xiriirka u jaraan Qatar, dabadeedna dalkaba inta ciidamo la soo galiyo Gaas iyo kibriid la suro (Adio Roma), sidaa awgeedna amarkaas ka soo baxay Trump wey aqbaleen Sacuudiga iyo is-bahaysigi khalijka iyo carabtii kaleba oo sidaas Qadar ku galiyeen go'doon xaga Cir, Dhul iyo Badaba, hasa-ahaate waxaa si lama filaan iyo hagar-la'aan ugu soo gurmaday dawlada iiraan iyo tan Turkiga taaso Sacuudiga iyo iimaaraadka talo ku cadaatay sidi dawacada uga qayliyey.

Runtii hogaamiyayaashi carabtu waxay noqdeen Goos-dambeed suus galay iyo bahalo aan nixin, oo waxay noqdeen kuwa ka cabsada Mareykanka iyo Lobby-ga Yuhuuda, oo waxay tuureen kalsoonidi iyo isku haleynti Alle, taasna waxay keentay caro ilaahay .. Saasaanta maanta ka muuqata dawladaha khaliijka oo ay ugu horeyaan Sacuudiga iyo Imaaraadka karbaash alle ayaa Ogada ka saaran, waxay qarka u saaran yihiin in ay si yaro fudud u burburaan maalin aan dheereeyn , waayo cabsidii ilaahay iyo mahadnaqisi ayaa meesha ka baxday.

Waxaan wada aragnay markii cabsidii ilaahay laga cabsan lahaa yaraatay, in wadamo farabadan oo carabta ka mida iyo soomaalia ay si fudud u burbureen .. khaliijku dhabo weecsan iyo wadadii burburka ayuu qarka u saaran yahay, oo isagi baa xabaasha isu qoday .. Tusbax go'ay sidiisi la mood.
Dhinac kale Qatar hadii xiriirka laga goosto dhaqaalaheedu waxba noqon maayo , xitaa waxaa la awoodi-waayay in cunaqabateyn caalami ah la saaro maadaama shidaalkeeda Gaas uu istraatiiji yahay oo aan caalamku ka maarmeynin, waa hubaal Sacuudiga iyo imaaraadka iyagaa caalamul Islam dib u dhigay oo midnimadoodi mugdi galiyey.

Hadaba Marka aynu eegno arimaha kooban oo aan tusaale ahan u so qaatay iyo hagardaamoyinka aan tirada lahayn ee ay sameynayaan wadamada khaliijku, sax bey ahayd  inaga somali ahaan ineeynu la is laab kicin ka aamusno oo aynaan kala raacin ( dhex-dhaxaad) .. hadey noqoto ineynu kala racno wa ineynu inaguna danteena guud ku badalnaa oo ka nafaqeysana .. Ilaahay dhagarta gaalada Iyo  belaayada salag leh haynaga xijaabo , amiin ya rabil calamiin.