Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Taariikhdu Waa Cibaaro .. Kibirkii Iyo Islaweynidi Boqor Xayle Salaase Iyo Duligi U Ku Dambeeyey

Thursday - June 15, 2017





Qarni kasta waxa dunida soo mara rag tacaddiyo geysta oo aan waxba ku qaadan kuwii iyaga ka horreeyey ee sida xun u dhintay amma u jabay.

Hayle Silaase waxa uu si shirqool ah ku hantiyey boqortooyadii Xabashida sannadkii 1928kii.(Dhaxalka meella kamuu soo galayn). Intii aanu boqorka noqon magaciisa runta ah waxa la oran jirey Tefarri Mokonnen. waxaana aabbo u ahaa Raas Mokonnen Waldhe Mikael oo u shaqayn jirey boqorkii waagaa ee Xabashida, Menelik. 

Haile Selaase sannadihii uu boqorka ahaa dadka Amxaaradu mugdigii ay dunida kaga jireen ayuu ka saaray gaar ahaan dhinaca waxabarashada iyo dhaqaalaha. Xukunka, maamulka iyo ciidammadana iyaga ayuu gacanta ka saaray. Qawmiyadaha dega koonfurta Itoobiya iyagu inay addoomo yihiin ayey u aqoonsanaayeen boqorka iyo nidaamkiisu.
Qawmidda Oromada aad bay u xaqireen reer boqor oo Gaalla ayey ugu yeeri jireen, cuqdad weyn bay taa ka qaadeen Oromadu,

Hayle Selaase xukunkiisa sees adag oo uu is lahaa cidi ma gilgili-karto ayuu u dhistay. Ra’iisalwasaaraha iyo wasiirrada oo dhan, aqalka sare ee baarlamaanka, guddoomiyayaasha gobollada,saraakiisha maamulka, safiirrada, saraakiisha ciidammada iyo qaadiyada maxkamadaha dhammaan isagaa soo magacaabi jiray.Guddoomiyaha maxkamadda sare isaga laftiisa ayaa ahaa intii uu noolaa oo dhan. Hoggaamiyayaasha qawmiyadaha dalka oo dhan si toosa ayuu ula xiriirayey, kuwa daacadda u noqdana xoolo badan iyo darajooyin buu ku tixi jiray.

Hayle Selaase iyo qoyskiisu heer bay gaareen ay dalka u maamulaan sidii guryo ay leeyihiin oo kale, saddex wiil iyo saddex hablood oo uu dhalay mid walba waxa uu ku magacawnaa amiir u taliya gobol, hantida dalka iyagaa iska lahaa oo cidina ma xisaabinayn, gobollada dalka oo dhan meelo ay ku raaxaystaan oo iyaga u xiran bay ku lahayeen.Cuntada ay cunaan qaar baa Yurub looga soo waaridayey xitaa biyaha nooca Evian la yiraa ayaa France looga keenayey oo guriga reer boqor lagu cabbi jiray.

Waxa uu ahaa nin aad iyo aad u lacag jecel, maalmihii xukunka laga tuuray ayaa sariirtii uu ku seexan jiray firaashkii saarraa hoostiisa laga soo qufay lacag qadarkeedu dhannaa 350,000 Birka Itoobiya ah. Intii uu boqorka ahaa waxa uu ku dedaalay inuu helo dawo wax ka tarta gabowga oo uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay.

Bilawgii jabka boqortooyada

Dhiil waliba markuu buuxsamo waa uu daataa,sannadkii 1971-kii ayaa bilaw u ahaa burburka boqornimadii Hayle Selaase.Waxa uu ilaahay ku salliday ardaydii jaamicadaha Addis Ababa, kuwaas oo dhigay bannaanbaxyo aan kala joogsi lahayn.Waa Amxaaradii uu isagu rabbaystay,waa kuwii oo weliba hoosta ku sita mabaadiida Shuucidda oo berigaa calankeedu babanayey .. Boqorku wadda kasta ayuu u maray sidii uu u joojin lahaa kacdoonka ardayda weyse u suuroobi wayday.

Kacdoonkaa oo socda ayaa waxa uu Ilaahay qaddaray in gobolka Wallo abaar xumi ku haabsatay 1972-1973kii.Abaartaas oo Hayle Selaase iyo wasiirradiisiiba si weyn u dafireen iyagoo ku andoocoonaayey in dalka Itoobiya haba yaraatee aanay abaaro ka jirin, laakiin Tefishanka (BBC-da) ayaa berigaa baahiyey oo caalamka tusay abaarta ba’an ee ku dhufatay gobolka Wallo,

Hadal iyo dhammaan taariikhdu markay ahayd 12-kii Sebtambar 1974-kii ayaa xukunkii Hayle Selaase ciidammadu afka ciidda u dareen. Maalintaa baa ugu dambaysay Hayle araggiisa .. Maalmo ka dib waxa dhegta dhiigga loo daray ra’iisal wasaarahii, wasiirradii,saraaskiishii sare ee ciidammada oo uu ku jiro wiil uu awow u ahaa oo ciidanka badda xukumi jiray,kuwaas oo tiradoodu dhammayd 59 qof.

Wiilkii dhaxalka lahaa oo la oranayey Asfa Wossen iyo wiil uu dhalay oo Yurub joogay maahee intii kale ee reer boqor xabsiyada ayaa lagu guray, hantidii ay dalka ku lahaayeen dhammaan waa la qarameeyey oo dawladdaa la wareegtay.27-kii Ogost 1975kii ayaa radiyo Addis Ababa laga sheegay in Hayle Selaase dhintay oo la aasay, laakiin Sida uu u dhintay iyo halka lagu aasay midna lama sheegin.

Boqor Hayle Salaase. yaa afgambiyey,siduu u dhintay, halkee lagu aasay?

Akhristow Waa halkan meesha ay cibaaradu ku jirto. Ninkii darajooyinka aan kor ku soo xusnay sheegatay waxa xukunkii ka tuuray mid ka mida kuwii uu u haystay addoomaha, waa Korneyl Mangistu Hayle Mariyam oo ka soo jeeda qawmiyadda la yiraahdo Walaamo ee degta koonfurta Itoobiya.
Mangistu16-kii sannadood ee uu xukunka hayey kumanyaal Amxaaro kuwii ladnaa ah ayuu dhegta dhiigga u daray qaar kale oo badanna xabsiyada ayuu ka buuxiyey.

1991-kii ayaa isagana taladii dalka xoog looga tuuray.Halkaa markay arrimuhu marayaan ayaa Amxaaradii daacadda u ahayd Hayle Selaase baadi goob u galeen halkii lagu aasay maydkiisa.

Sannadkii 1992-kii ayaa nin ogaa halkii lagu xabaalay soo baxay.Maalintii uu ninku horkacayey dadka si loo soo saaro qalfoofkii Hayle waxa daba socday oo duubayey telefishannada caalamka qaar ka socday.Sidii loo daba socday ayuu ninkii galay gurigii madaxtooyada, waa la yaabay, lagama harinse oo waa la daba socdaa .. xafiiskii Mangistu fariisan jirey ayuu daf yiri, uu sii dhaafay oo musqusha ayuu galay, gidaar hortiisa ah ayuu farta ku fiiqay isagoo tilmaamaya halka lagu aasay.

Waa la jebiyey gidaarkii oo laga soo saaray saxaaraddii uu ku jirey qalfoofku.
Haddaba ninkii boqorka boqorrada sheeganayey ee Hayle Selaase waxa musqushiisa ku xabaalay oo 16 sannadood ku dul kaadshayey mid ka tirsan kuwii uu u haystay addoomaha. Waa cilmi ilaahay wax in nagu tusayo una baahan in lagu cibaaro qaato. Ninkasta amma koox kasta oo tacddi iyo isla weyni ku dhaqanta waxa u dambayn ifka oo ay ku dulloobaan iyo cadaab aakhiro.

Tusaale yar oo la raaciyo Sannadkii 1979kii boqorkii dalka Iraan Shaah Raasa Bahlaawi oo afartan sannadood dalkaa xukumi jiray ayaa isna taladii xoog looga tuuray.Isagoo dullaysan ayuu dalkiisii hooyo ka cararay.Boqor Shaah isagoo haystay hanti lagu qaddaray bilyanno dolar oo dibadaha u taallay ayuu waayey dal soo dhaweeya, haad geed u fariisto waayey buu noqday, aakhirkiina silic iyo dulli buu ku dhintay.