Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 17 April 2024

Qisada Tuulo Dadkii Ku Nolaa Ee Saboolka Ahaa Ay Maalin Kaliya Ku Noqdeen Maal-Qabeeno

Friday - June 16, 2017


Madrid (Foore)- Inkasta oo ay dadka tuuladan ku nooli ahaayeen dad sabool ah oo aan waxba haysan kuna jira xaalad nolol hoose ah, haddana waxa ay noqdeen kuwu seexday iyaga oo sidoodii sabool u ah balse subaxnimadii ay soo tooseen dhammaan wada noqday maal-qabeeenno mid kastaa malaayiin doollar haysto.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AP tuulada lagu magacaabo Cerezales del Condado waxa ay ku taallaa waddanka Spain ee qaaradda Yurub waxaanay dadka ku nooli ku waa bariisteen iyaga oo maal-qabeenno ah halka ay saacado ka hor markii ay seexanayeen ka ahaayeen kuwo sabool ah oo aan xoolo adduun wax buuran haysan. 
Qisadan ayaa dhacday kadib markii nin maal-qabeen ah oo balaayiin dollar haysta oo tuuladaasi asal ahaan ka soo jeeday uu dardaarmay markii uu geeriyoonayay in hantida uu ka tagayo dhammaan loo qaybiyo dadka tuuladaasi ku nool oo uu asal ahaan ka soo jeeday balse aanu la noolayn sidaana xukuumadda Spain iyo ehelada ninkii maal-qabeenka ahaa ee geeriyooday ay ku soo gaarsiiyeen dadkii tuuladaasi wakhti subax ah, isla habeenimadii uu geeriyoodayba.

Antonio Fernandez oo 99-jir ah ayay wakaaladdu sheegaysaa in uu bishii August ee sannadkii hore uu ku sii dardaarmay haddii uu geeriyoodo in dhammaan hantidiisa loo qaybiyo dadka tuulada Cerezales del Condado balse uu dhawaan geeriyooday isaga oo dadka ehelkiisa ah ee dul taagnaa saacadihii ugu dambeeyey xasuusiyey dardaarankiisii oo uu soo saaray warqaddii uu dardaarankaasi ku saxeexay ee ku faahfaahiyey.
Tuulada Cerezales del Condado oo ku taalla dhulka baadiyaha ah ee dalkaasi Spain waxa ku nool oo kali ah 80 qof kuwaasi oo ka faa’iidaysanaya hantida uu ninkaa maalqabeenka ahi uga tagay oo lagu qiyaasay in ka badan 210 Milyan oo Doollarka Maraykanka ah sida ay wakaaladdu sheegayso.

Arrinka xiisaha leh ayaa noqday in markii lacagtii la qaaday ee loo geeyey dadkii tuulada loona qaybiyay uu qof kastaa yar iyo weyn u helay ama ay ku soo hagaagtay lacag is leg oo dhan qofkiiba in la siiyey 2-Milyan iyo Badh Doollarka Maraykanka ah taasi oo dadkii tuulada ku noqotay fajac iyo lama filaan.
Antonio Fernandez ayaa tuuladan ka haajiray sannadkii 1949-kii isaga oo wakhtigaasi ahaa nin dhallinyaro ah oo da’diisu tahay 32-jir una wareegay dalka Mexico oo uu wax ku bartay kana shaqaystay illaa uu ugu dambayn noqday nin leh hanta badan iyo shirkado waaweyn. 

Antonio Fernandez markii uu tuuladiisa ka tagayay waxa uu la noolaa waalidkii iyo dadka u dhaw oo aad u sabool ahaa tiradooduna dhammayd 14 qof. Markii ay waalidkii kafaalo qaadi kari waayeen noloshiisa ayuu u tahriibay waddanka Mexico oo uu ku noolaa illaa uu dhawaan u soo guuray dalka Spain. Sidoo kale waxa uu ninkani ku dardaarmay in tuuladaasi loo dhiso xarun weyn oo dhaqanka lagu ururiyo loona dalxiis yimaad oo aan macaash doon ahayn oo ay ka shaqayn karaan dad ka badan 300 oo qof lacagta ka soo xerootana dib loo galiyo tuulada oo lagu dhiso adeegyadeeda.