Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

R/W Kheyre Oo Wajahaya Xildhibaano La Soo Basbaaseeyey Oo Raba Iney Miinada La Kacdo Dawladiisa

Thursday - June 22, 2017


Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa qaab aan la fileyn wuxuu u wajahay mooshin culus oo ay ka dambeyaan xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

ilo lagu kalsoon yahay waxay sheegayaan in Ra’iisul wasaaraha si u arinka xaga maskaxda uga qaras-bixiyo wuxuu bilaabay in Labo qaab uu u wajaho xildhibaannada mooshinka ka keenay, qaar wuxuu u maray dhanka Odoyaashooda dhaqanka iyo kuwo lagu tala galay in lagu qaabilo Villa Soomaaliya oo hadey suragal noqoto gacanta loogu soo qooyo

Xogtu waxay sheegeysaa in qaar kamid ah xildhibaannada ay durba u muuqdaan kuwo aad uga qancay warbixinta u siiyey Ra’iisul wasaaraha, isla markaana ka doonay iney aqbalaan dib uga laabashada mooshinkaan la hadal hayo, 

Waxgaradka oo dhinacooda la soo abaabulay ayaa iyaguna dhankooda waxay ka dhaadhicinayaan xildhibaannada iney arrinta mooshinka joojiyaan iyo sidey hadda ku wadaan, islamarkaana aysan noqon kuwo dalka u horseeda fawdo cusub.

Xildhibaano in badan ah ayaa siyaasad ahaan diiddan hannaanka dowladda federaalka ay ku maamuleyso Muqdisho, gaar ahaan qaabka ay ku sugeyso amniga .