Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Mr. Ordogan: Ma Daama Aan qabo Xanuunka Macaanka Waxaa Hoos ii Dhacay Dhiiga Oo Saas Ayaan Koma Yar Ku Galay

Tuesday - June 27, 2017


Istanbul-Wakhti la isu diyaarinayay tukashada salaadda Ciidda ee shalay oo Axad ahayd ayaa waxa mar kali ah dadkii ku tukanayay masaajidka weyn ee Istanbul waxa ay ka war heleen Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan oo xaalad miyir doorsoon ah galay kooxdiisa ilaalada gaarka ahina dibadda ula baxeen.

Sida uu shalay baahiyey telefishanka Sky News waxa dalkaasi Turkiga laga dareemay xaalad miyir doorsoon ah oo la soo deristay Madaxweynaha Turkiga Mr. Erdogan kaasi oo la sheegay in uu xaaladdaasi caafimaad galay wakhti isaga iyo masuuliyiin kaleba ay isu diyaarinayeen tukashada salaadda Ciidda in ay kala qayb galaan dadweynaha dalkaasi.

Warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in Erdogan uu isku dumay isaga oo doonayay in uu fadhiga ka kaco kadibna ay ilaaladiisu dibadda u saareen muddo kooban kadibna ay masaajidkii uu ku sugnaa ku soo celiyeen. Warbaahintu waxa ay sheegtay in xaaladda Erdogan ay ka dhalatay xaalad caafimaad darro oo uu galay kadib markii la sheegay in wareegga dhiigiisu hoos u dhacay maadaama uu leeyahay xanuunka macaanka.

"Ilaahay ayaa mahad leh. xaalad koomo ku dhaw ayaan galay. waxa aan leeyahay cudurka macaanka sidaa darteed ayaan xaaladdan u galay balse markiiba waan soo fiicnaaday waanan wanaagsanahayā€¯ sidaa waxa yidhi Erdogan oo dadkii masaajidka ku sugnaa la hadlay.