Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Xildhibaano Laacibin Culus Ah Oo La Kulmay Farmaajo .. Iyo Farmaajo Oo Miciinsaday ilka Cadeyn Iyo Caadifad Beer-laxawsi

Monday - July 3, 2017


Galdogob Times oo ah wargeys inta badan sirta wal-waala, isla markaana xaga war helida macno badan ku leh, wuxuu warar hoose ka soo xigatay ilo ku dhaw-dhaw Villa Somaliya oo lagu tilmaamay in madaxweyne Maxamed Farmaajo u markaan marada isku giijiyey isago ku baraarugay Abeesoo-yin ugu soo tafaxeytay iney si duulaan ah lagu qaado madaxtinimadiisa oo ah mooshinka mar-marojisan oo maalmahaan lagu rux-ruxaayo R/W Kheyre ee ujeedadiisu weyn tahay in farmaajo lafahaantiisa hadba koone iyo luuq qaloocan looga soo duso si loo rido

Sida xogta lagu helay iyo warka soo gaaray Farmaajo, waxaa shiray 22 xildhibaan oo magacyadooda iyo sumadooda qaar ka mida la ogaaday, waxay kulankoodi iyo hadaladi isla sara tagay isku afgarteen in Wanka weyn Mr. xiin-finiin Farmaajo waa sida ay yiraahdeene aan marna loo heli-karin tiro cod mooshin loogu ridi-karo, sidaa daraadeed ay ka sahalantahay in afgambigiisa loo maro amase loo leexdo xaga Waxarta yar R/W Kheyre oo haddi sadex jeer kalsoonida loo diido u kadib Wanka Weyn farmaajo lagu jiidi-karo gawrac .. xildhibaanadaas walafka oogay oo hal ku dhaga daahooda qarsoon ka dhigtay " Badbaado iyo  dawlad tayo leh baan rabna" ayaa fikirkoodi wacdi iyo wax sheeg si xusul duuba ugu baahiyey inta badan xildhibaanada fedaraalka, kuwaaso iyagana intooda badan xildhibanadaas dus-dus iyo siyaasad dhac-dhac ku doon ku aqbalay.

Madaxweyne Farmaajo oo isaga lagu tilmaamo nin waqtiga un la hayo, hasa-ahaate waayo-arag la'aan iyo isagoo ah nin si afmaal isu xujo bixin-karin, ayuu bilaabay inu qorshaas ka hortago isagoo la kulaan la qaatay xildhibaano lagu tuhnsanaa in ay barnaamija mooshinka dhinac kaga laran-yihiin,waxaana la sheegay inu kulankaas ahaa mid ku socday iswaab-waabin fudud oo u badneyd su'aal iyo jawaab kolba dhinac la isula diilaamayey, iyado madaxweynuhu inta badan warkiisa ku miciinsaday sasabasho iyo naxsteexo iyo codsigiisa oo ahaa in mar qura laga fiirsado sheekada ujeedeysan ee mooshinka, hasa ahaate xildhibaan ka mid ahaa ragaas la kulmay Farmaajo ayaa sir hoose ku sheegay in Farmaajo halkaas cabasho kaga dhamaatay, isla markaana hadalkiisi noqday mal-maluuq meel loo raaco aan lahayn .. mana filaayo ayuu yiri in Farmaajo hadal ka dhaadhicintiisa oo aad daciif u ahayd iyo caadifadiisa halkey la martay u ku soo jiidan-karo shucuurta xildhibaanada mucaaradka ee il-qolaadis-kooda u eg sidi Tuke raq libaax ku fadhiya.