Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Somaliya Oo Markale La Suraayo Gaas Iyo Kibriid Masuulliinta Dawlada Emaraadka Oo Lagdin Colaadeed U Qrsheysay Farmaajo

Saturday - July 8, 2017


Dubai- Warar xog daahsoon laguna qanci-karo oo maalmahaan la isla dhex qaadayo dacalada caalamka ayaa dhawaanta si teel-teel iyo meelo kala duwan looga sharqamiyey siyaasada siigada kicisay taaso lagu tilmaamayo in dawlada Imaaraadka ay magacaawday guddi gaara oo go'aan qaadasho ka sameeya arinta xasaasiga ah ee farmaajo ku kacay, oo ujeedadu tahay iney talo bixin ka keenaan waxa farmaajo hoosta kala soo baxay ee u haddana badka soo dhigay iyo waxa ku kalifay inu arax-jab aan horay loo arag iyo dharbaaxda kulul u wajiga kaga dhufto Sacuudiga iyo Emaaraadka, isla markaana sidi dabin loogu dhigi-lahaa maamulka ka jira somaliya

Guddiga oo u ka mid ahaa danjiraha Emaaraadka u fadhiya mogdisho Maxamed Cismaan ayaa la sheegay iney si dhaqso ah u raad gureen warbixino kala duwan oo ka hadleysa sababta keentay inu farmaajo ka beyro xiriirkii taariikheed ee somaliya la lahayd isbahaysiga Emaaraadka-Sacuudiga Masar, waxaana xaajada gunaanad-keedi lagu gorfeeyey in Maxamed Farmaajo markii xaqiiqadiisa loo tago u yahay shakhsi daciif ah oo aan lahayn daawo, isla markaana markasta maankiisa iyo talooyinkiisa la kaashada Ninka Qatar daba-dhilifka u ah ee la yiraahdo Fahad Yaasin oo xin iyo xaasad burbur la jecel xiriirka walaalaha bulshada somali iyo sacuudiga-Imaraadka, ahna iminka agaasimaha madaxtooyada, waana nin ayey yiraahdeen isku daya in uu awoodiisa ku muquuniyo farmajo kana dhigo wax aan awood badan lahayn.

Wararkaan oo intooda badan laga soo xigtay taliyihi hore ee Dubai security chief General Dahi Khalfaan oo ku andacooda inu yahay la taliyaha Abu-dabi Crown- prince Maxamed bin Zaid oo odayaal somali kula kulmay goob Hotel ah ayuu goortu cabaar yar isha ku canaantay, dabadeed si kaftan-dhabla ah ku yiri " Maxaa Waagi-beryaba la arkaya wax aan looba fadhin .. Raiiskiina farmaajo sidu hadalkiisa nogu yimi sorry ayaan ahayn, sheydaan baa durbaan meel baas ugu garaacay oo isgo wax Og isha iska riday .. Farmaajo wuxuu been ka sheegay xaalada iyo dareenka dadka bulshada Somali, oo wixiisu waa marin habaabin .. Farmaajo nasiib daro waa Nin aan tala qaadaneyn, faiido-na anay ka soo baxeyn meesha u jibaaxayo .. Farmaajo haddusan badalin qaabka u fakaraayo, maskaxdana ka xoroobin, somali wey ka reysan-doonta iyo hadalo kalo badan u warkiisa si raaciyey oo u ku eedeynaayo fahad Yaasiin

Dhinaca kale warar la hubo ayaa la isla dhex jibaaxaya in masuullinta dawlada Emaaradka ay durbaba hawl galiyeen siyaasiyiin, Odey dhaqmeedyo somali iyo ganacsatada waaweyn oo ay ka mid yihiin xawaaladaha Somalida oo bacmushtarka dhaq-dhaqaaqooda ku xiranyahay Dubai, isla markaana saameyn badan ku leh gudaha dalka somaliya oo ujeedadau tahay in si kastaba ha noqote wixii dhacayba dhace, waase in aanay halkaas dhaafin oo la hor joogsado siyaasada Farmaajo ee ku wajahan Khalijka, 
 
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdi-rashid, oo iminka la sheegay inu mustaqbalka u tafaxeydanaayo doorashada dambe ee madaxtinimada maamulka Puntland, haddana ka mida Aqalka sare ee baarlamaanka, isla markaana si weyn ugu dhaw Imaaraadka, ayaa mowqif culus ka qaatay khilaafka ka taagan dalalka Khaliijka, waxuuna warbaahinta ku cadeeyey inaysan maslaxad ugu jirin Soomaaliya mowqifka dhexdhexaadnimo ee dawladda Soomaaliya ay ka qaadatay arrintan.