Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Cadaalada Iyo Waxwada-lahaanshu Waa Waxa Kaliya Ee Ummad U Horseedi-kara Nabad .. Salaadiinta Warsangali Iyo Dhulbahante Oo Ku Dhawaaqay Mawqifkooda Ku Aadan Beesha Leelkase ....

Tuesday - July 25, 2017


Garowe - Shirar maalmo kala duwan lagu agaasimaayey magaalada Garowe ayaa Salaadiinta dhaqanka ee baalaha Warsangali iyo Dhulbahante ayaa illa hadda si qanac ah codkooda ku taageeray in xildhibaanada loo kordhiyo beesha Tanade Daarood (Leelkase), kadib markii maanta la isugu yimi gogol ay u dhan yihiin inta badan Isimada Puntland.

Garaad Saleebaan oo ah garaadka guud ee Beesha Dhulbahante iyo Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo kamid ah Isimada Beesha Warsangali ahna afhayeenka Isimada Puntland, ayaa soo dhaweeyay branaamijka iyo go'aanka wadajir ee loogu kordhinaayo golaha Wakiilada Puntland ee Beesha Tanade.

Ujeedada gudbinta tabashooyinka waxa ay sal u tahay daneynta ay odayaashu daneynayaan adkeynta midnimada ummadda Reer Puntland iyo xoojinta kalsoonida ay dadku u qaban dawladooda marka tabashooyinka wax laga qabto..
Sida la ogyahay cadaalada, kartida iyo wada-lahaanshuhu waa waxa keliya ee ummad u horseedi-kara nabad iyo horumar xoojinaaya isbahaysiga ka dhaxeya bulshada iyo xukumada.

Shirka ayaa weli doodiisa socota, iyadoo la filayo in ugu dambayn Isimada Puntland oo wada jira ay go’aan kama dambays kasoo saaraan tabashada beesha Tanade Daarood, oo si aad ah u saluugsan tirada xubnaha u matala barlamaanka.
   ----------------------------------
Taariikh .. Saldanadii Tanade-Lelkase
Qarnigii 15aad ilaa 17aad, Saldanada Tanade daarood waxay ahayd boqortooyooyinkii somaliya ugu fac weynaa, boqortooyadaas oo soo gaartay 1775, kadibna saldanadaas dagaal culus lagu hoobtay ay ku burburtay .. Tanade Daarood wuxuu dhalay Cabdi Tanade Oo Loo Yaqaan Korshe itoobiyana dega jig-jiga ila dhulka Oromada .. Boqortooyadu waxay ku baahsanayd bartamaha Webiga Jubba laga soo bilaabo Baardheere, Luuq ilaa gobollada dhexe. Tanade waqtigaas waxay ka talin jireen inta xeebta gacanka Cadmeed ilaa dhulka Sool kuna soo rogan koonfur ilaa Baladwayne.

Berigii hayaanka koonfureed uu bilowday bartamihii qarnigii 17aad, wuxuu Tanade-Lelkase gaaray ilaa Webiga Tana ee dhaca gobolka Waqooyi Bari ee dhulka Soomaalida Kiinya. Gumeystayaashii Yurub waxay khariiradahooda ku muujisteen dhulka Jubbaland, Bari iyo Bartamaha ilaa soohdlinta Shabeele in Leelkase deganaa, isla markaana salaadiintooda ay xukumi-jireen

Dhanka buuralayda Itoobiya waxaa Leelkase uu gacansaar iyo gaashaanbuur la lahaa Fardoolayda Geri iyaga oo si wada jir ah Jigjiga iyo Kufaa awood balaaran ku yeeshay. Taariikhda waxaa intaas dheer oo ay xusaysaa in xukunkii dhulkaan uu in badan gacanta ugu jiray salaadiin reer Tanade.

Beesha Tanade- Laylkase waxay degaan deegaanada Mudug, Bander Beyla, Eyl, Garoowe, iyo gobollada Jubbada Hoose, Baay, iyo Soomaali Galbeed. Beesha Laylkase waxaa lagu tilmaamaa qabiil Diinta raacda, daris wanaagsan, nabadana jecel, had iyo jeerna daryeela dadka la dagan. Waana qaabiil aad u tiro badan oo ku kala firirsan dhammaan gobollada Soomaaliya sida Mudug, Nugaal, Bari, Sool, Jubbada Hoose,Jubada Dhexe, Bay iyo Soomaali Galbeed. Waxay gaar ahaan u degtaa beesha Karkaar: Caris, Ceel Dhidir, Buurbuur iyo Arindheer.