Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Goob Xun Joog Al-Shabaab Oo War Cusub Geedka Soo Dhigay Iyo Qaabka ay U Galaaften Westgate Mall Kenya

Thursday - July 27, 2017


Al-Shabaab ayaa markii u horeysay sheegay in weerarkii sanadkii 2013 lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate Mall ay fuliyeen afar dhalinyaro, iyadoo horay warbaahinta Kenya ay si iskhilaafsan uga hadleen tirada rasmiga ah ee fulisay weerarkaas.
 
Muuqaal dhowaan ay soo saartay Al-Shabaab oo ka hadlayay shan sano kaddib duulaankii Ciidamada Kenya iyo khasaaraha ka soo gaaray weeraradii lagu qaaday ayaa lagu sheegay in weerarkii Westgate uu isku dhex yaac iyo jahwareer ku abuuray Kenya.
 
Muuqaal soconayay illaa 35 daqiiqo ayaa lagu sheegay in Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Kenya Ole Lenku oo warar is burinayay ka sheegay weerarkii Westgate, isla markaana Shacabka Kenya jahwareer badan ku abuuray, sida uu uga hadlayay weerarkaas.
 
“Waa aragteen xirfada ciidankiina milateriga iyo waxtarkooda, intii lagu guda jiray weerarkii Dhismaha Westgate Mall, waxaa la rafaadeen afar wiil dhalinyaro ah oo aad la dagaalameyseen, waa aragteen ciidamadiina oo bililaqeysanaya goobihii ganacsiga ahaa”ayuu yiri Daadiyihii Muuqaalka Al-Shabaab soo bandhigtay oo ku hadlayay Luqada afka English-ka.
 
Sidoo kale waxaa muuqaalka lagu sheegay in Kenya ay Soomaaliya ka wadaan howlo kontorbaan ah, sida kala gudbinta dhuxusha iyo sokorta oo ay si sharci darro u kala gudbiyaan.
 
Al-Shabaab ma soo bandhigin magacyada Raggii fuliyay weerarkaas oo looga bartay inay soo bandhigaan, hase ahaatee Sirdoonka Kenya ayaa horay u sheegay in mid ka mid ah raggii fuliyay weerarkaas oo heystay dhalashada Norway lagu magacaabayay Xasan Cabdi Dhuxulow oo hoggaaminayay weerarkaas.
 
Weerarkii Westgate Mall 21 September sanadkii 2013 ayaa ahaa weerarkii u horeeyay ee Al-Shabaab ka fuliyaan gudaha Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi, waxaa weerarkaas lagu dilay illaa 67 ruux, weerarkan ayaa qaatay afar maalin.