Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 17 April 2024

Beryahaan Aduunyada Sidi Hore Ma Aha .. Dhan Walba Waa La Isu Xoog Sheeganaya Oo Xaggi Muruqa Iyo Xoogaga Ayaa Baryahaan Loo Beyray .. iiraan Oo Aduunka Ka Yaabisay

Friday - July 28, 2017



Beryahaan Aduunyada sidi hore ma aha, si weyn baa wax isaga badalen oo xagii muruqa iyo xoogaga ayaa baryahaan dambe loo beyray .. Mareykan wuxuu ku tuntay oo u muruq sheegtay wadamo badan oo ka itaal yar .. Ruush isna beryahaan xaga muruqa iyo muquuninta ayuu u leexday.
Wuxuu muquuniyey dawlada yar eeJorjiya, kadibna wuxuu ku luga fidsaday Yukreyn oo jeex goostay.

Dowladda Iiraan oo iyadu dooneysa iney ka mid noqoto dawlada quwadaha ku tartamaya, ayaa sheegtay in ay ku guulaysatay tijaabada gantaala awood u leh in uu hawada u xanbaaro satellitka ,maalma uun ka dib markii ay Maraykanka ay Iiraan ku soo rogeen cunaqabatayn dhaqaale taasi oo la xiriirta barnaamijkeeda gantaalada balastikada.
Gantaalkani ayaa laga riday saldhiga cusub ee lagu magacaabo Semnan oo ku yaala wuqooyiga Iiraan.

Dowladda Maraykanka ayaa canbaaraysay tijaabadani cusub waxa ayna ku tilmaamtay fal daandaansi ah. Waa markii seddaxaad tan iyo 2009 oo ay Iiraan tijaabinayso gantaalada nooca satellitka oo lagu hagaajiyay gudaha Iiran.

Dowlada Iiraan ayaa dhanka kale wacad ku martay in ay ka jawaabi doonto cunaqabatayntii ugu danbeysay ee ay Maraykanka ku soo rogeen.

Cunaqabataynta Maraykanka ayaa waxa lala bartilmaameedsaday 18 shirkadood iyo shaqsyaad taageeray barnaamijka gantaalada balastikada ee Iiraan.

Cunaqabataynta cusub ayaa timid maalin uun ka dib markii maamulka madaxwayne Trump ay sheegeen in ay Iiraan u hogaansamayso heshiiskii 2015 ee lagu xadidayay barnaamijkeeda hubka Niyukleerka.