Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 23 September 2017

Intaan La Kala Dan Furan Ha La Cadeeyo Dadku Iney Wadaagan Dhul Iyo Hoosba .. Waraabow C/Raxmaan Maalin Wacan

Saturday - July 29, 2017



Waxaan maanta la ii dhageysiiyey hadal fayris ah u jeediyey Ninka tolkiisa halyeynimo u caleemo saaran xaga cabqariyada ku qaatay jilida aflagaadada waa Cabdiraxman Faroole ee waxbaan iri uun hadafkiisu ahaa ayaa si bareer ah ilaaq butaac ah uga bixiyey gogosha isimada kaga hadlayaan kordinta xildhibaanada u ku tilmaamay waqti lumis iyo madadaalo, wuxuuna intaa ereyadiisi ku si daray sidi isago ku taamaya xumaan iyo xaasad amar yeerinaaya iyo kitaabkiisi qumane isaga sita qorta cidna aan ka gabaneyn, dan ka lahayn shucuurta dadka walaalaha ah oo yiri: kiiska kordhinta xildhibaanada waa daba-wareejin aan meel mareyn, oo dastuurka iyo sheekada la wado sinaba meel ma wada mari-karaan, oo Odayaasha isimada ee gogosha fadhida waa la soo lugooyey iyo wax la mida ( Veto)

1- Ugu  Horeyn waa lagama-maarmaan in rux kasta oo ku taagan tubta qaldan, aragtidiisuna siineyso in uu isagu keli sax yahay ay waajibku yahay in la baraarujiyo, toosiyo lana dareensiiyo in aqoon iyo ogaalba jirto, waana haboontay Qofka isago maankiisa la kaashado talooyinka la siiyo ee wax tarka ah. dabadeedna isa saxo

2- Runi Rag Kama Nixiso ..Taariikhda waa xarig taxan oo is daba-yaal, Dadyooga Puntland iyo gaar ahaan beesha Tanade-Lelkase gudo iyo dibad xog ahaan kama daahsoona in Dr. Cabdiraxmaan Faroole inu isagu kow ka ahaa dulmigi shalay laga galay beesha ee loogu mal-maluuqaayey saamigi qaybsigi golaha baarlamaanka ee Puntland oo la yiri: Leelkasow hooya ku go'a hal xubin xildhibaan oo kaliya, inkasto mar dambe hal kale laga soo daba tuuray, lamana garanaayo Cabdiraxmaan waxa u qaybtaa ku saleeyey ma daama waxa wax lagu qaybsanaayey ay ahayd qoondo ku saleysan qabaaiil ee ka tarjimeysay dumiskii iyo dilkii ay isku sameeyeen shacabka somaaliyeed  .. hadaba iyado dulmigaas dhacday iyo duruufihi qalafsanaa oo jiray xiligaas awgeed iyo fikradi saami qaybsiga oo aan weli la liqin, ayaa reerka Tanade isagoo duruus badan ka qaba cabdiraxmaan iyo kooxdiisi hoos wax ka unkameysay, balse daryeel mustaqbal iyo wax saxid illa xad filaaya ayey dabacsanaan muujiyeen, wanaag ka door bideen oo ku biireen farsamadi maamulkii dawladi caga jiidka ahayd si aysan dabeylihi xunguruufta watay u fashalin maamulki cusbaa.

2- Beel waliba waxay leedahay Xaq, wadankuna xaq buu leeyahay, heshiisku iyo is afgaradka meesha ka jirana ma aha in xaniyaha la is qabto oo midba midka kale isku dayo in uu awoodisa wax ku maquuniyo, kana dhigo wax aan awood lahayn, balse heshiisku waa is taxgalin, wax-wada qaybsi iyo tabashooyinka soo baxa oo la tixgaliyo, isla markaana dib loo saxo wixii horay u qaldamay si jidka toosan loogu wada dhaco, balse ma aha in loo beyro aflagaado,xajiimeyn is-xasaradeyn oo aan loo kala aabo yeelin .. xaqiiqada intu maanku gaajeysan-yahay oo beesha aan loo qireyn in wax ka maqan-yihiin waxaa la oran-kara guuli waa weli.  

3- Akhristow ma rabo inaan hadal dhurmo badan sameeyo .. Cabdiraxmaan oo isu qaata libaax-yadi la yiqiin, Runti ma yaqaan siyaabaha u ula dhaqmo dadka uga mudan ciseynta, garrna ma gasho, qaar ayaa wanaajiya talo qaran, balse isagu inta badan qiima dhaca hadalkiisa ayaa sabab u ah qaska iyo jaaho wareerka siyaasadeed ee guud ahaan ka dhaca dalka .. waxaa loo haya daliil runa iyo warka guntiisa inu ahaa shalay shakhsigi xarfada turubka ku baandheeyey ee fikir ku khuukhiyey in beesha Tanade Daarood si daba galis ah hal kursi xildhibaan kaliya la siiyo, maantana halkii u nabarki u dhigay shuuqin-lahaa,wuxuu weli ku si indha adag-yahay dulmigu u shalay sameeyey, taaso keeneysa in nabsiga u galay waa dambe ku gadoodan-doonto .. Reerka Tanade iyago dulmi ka baqaya ayey dab lugaha la galeen, sidaa awgeed waxaa la gudboon iney ilaashadaan dadkooda iyo dantooda ileyn daawo kale lama hayee.

Cala ay xaal gunaanadka warkaan. intaan xiisadu adkaan oo la kala dan furan taladu waxay tahay in darmo nabad la dhigo, lana cadeeyo dadka Puntland iney wadaagaan dhul iyo hoosba, la cadeeyo xaqu inusan lahayn todobaatan midab ee mid qura yahay .. waxaa inoo muhim ah in siyaasigu aanu bulshada hub uga dhigin aragtida qabiilka .. dulmigi qaniinka Cabdiraxman Faroole Sameeyey iyo shaxdi saami qaybsiga isagaa ku lug lahaa, abaabulay oo waliba maleegay, koleyba bulshada beesha Tanade maanta dulmigaas waa ka danqatay oo ka dirireysa mana oraneyso Cabdiraxmaanow kaalay oo arinta aad horay u qastay daawee. Walaahu Weliyo Tawfiiq.

hits Hits : 1795