Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Shirkii Looga Hadlaayey Tabashadi In Badan Soo Taxneyd Ee Beesha Tanade Oo Lagu Go'aamiyey In Xubno kale Loogu Daro Paarlamaanka

Thursday - August 3, 2017


Ceelkii Garowe- Shir muddo dhowr todobaad ah magaalada Garowe uga socday labeenta Isimada Puntland iyo Beesha Tanade daarood (Leelkase) oo ku gorfeeyey tiirka cadaalada puntland iyo sidi loo xalin-lahaa tirada xubnaha baarlamaanka ay ka diday beesha Tanada Darood oo si aan xaq ahayn horay loogu qoondeeyey, ayaa gordhow shirkaas la so gaba gabeeyey, waxayna taladi iyo doodi hadba geed harsataba iyo waqti kadib, waxay isimadu go'aan isku wada raaceen in beesha 4 xubnood loogu kordhiyo, oo gud ahaan tirada beesha marki kuwi hore loogu daro yeelato 7 xubnood, iyado go'aankaas isimada dhaqanka durbaba loo gudbiyey madaweyne Cabdiweli Gaas.
Beesha Tanade oo qabta in intaa ka badan aysan dulmiga lagu hayo ka hurdi-karin, ayey guud ahaan go'aankaas isimada ku tilmaameen inkasto tiradi xaqa ay filayeen aysan dhicin, hadana tan ay tahay talabo horumar oo lagu gaari-karo cadaaladi loo baahnaa, waxaase jira oo weli taagan wax-yaabo badan oo la tabanaayo.

Dhinaca kale madaxweynaha Puntland iyo golihiisa wasiirada oo haysta aftida golaha isimada ayaa looga fadhiya sidi ay go'aankaas tuurta ugu qaadi-lahaayeen amase meel mar ugu sameyn-lahaayeen.

Gabagabo-Waxaa somaaliya guud ahaan ku hoortay daruur ah boob, dhac, colaad, xaasidnimo, nacayb waxayna soo saartay dhir qarmuun badan oo la yiraahdo Kalsooni la’aan, Is-aaminid la’aan, Isu gargaarid la’aan, Is-Khayaamayn .. Waxaan rabnaa in Allah daruurtaas noogu bedelo daruur xanbaarsan…  Kalsooni, Is-aaminid, Isu-gargaarid iyo istaakulayn…. Si ay noogu baxdo dhir ah nabad iyo cadaalad.