Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 17 April 2024

Mareykan Su Ku Socdo Lala Yaab .. Mareykan Oo Qabtay Afar Qof Oo Qoraalo Sir Ah Faafiyey

Saturday - August 5, 2017



Xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanka Jeff Sessions ayaa sheegay in afar qof lagu soo eedeeyey in ay qoraallo sir ah faafiyeen, iyadoo maamulka Trump bilaabay olole waji gabax ka muuqdo oo dadka qoraalladaa faafiyey lagu soo qab-qabanayo.
Jeff Sessions wuxuu sheegay in dadka la soo qabtay lagu tuhunsanyahay in ay qoraallo sir ah faafiyeen iyo in ay magac dhabeen saraakiil sirdoon ah oo si qarsoodi ah u shaqaynayey.
Xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanku wuxu sheegay in maamulka dalku ilaa bishii Jeeniweri saddex laabay baaritaanka lagu hayo qoraalladaa sirta ah ee la faafiyey.
Madaxweyne Trump ayaa mar hore oo uu ka hadlayey arrintan dhaliilay Sessions kuna tilmaamay “qof aad u jilicsan”.
Xeer ilaaliyaha guud oo shir jaraa’id ka hadlay aya sheegay in aan dawladina si habsami ah u shaqayn karin hadii hogaamiyeyaasheedu aanay si xor ah oo kalsooni leh ula hadli karin hogaamiyeyaasha dalalka kale.
“Waxaan arintaa ku raacsanahay madaxweynaha si adagna waan u dhaleecaynayaa tiradan sii kordhaysa ee qoraallada sirta ah ee la faafiyey ah, waana mid wiiqaysa kartida dawladeena ee ilaalinta dalkan” ayuu Sessions warfidiyeenka ku yiri.
Xeer ilaaliyaha guud waxa kale oo uu sheegay in uu doonayo in dib loo eego siyaasadaha xukuumadda ee maxkamad uga yeeridda warbaahinta ee warfidiyeenka fara in ay sheegaan halka ay xogta ka heleen, si buu yiri loo dheeli tiro doorka warbaahintu ku leedahay ilaalinta nabadgelyada qaranka.